HIIL LA’AAN

Filed under: Aqoon-kororsi,MAANSOOYINKA,Wararka |

Maxamed Xaaji Nuur

Max’d Xaaji Nuur

 

HIIL LA’AAN

Wax kastoo harraad iyo,

Hawl iyo dhibaato leh,

Haddaan la hollinaynoo,

Ninna guul haweeyneyn,

Hodannimiyo gaajiyo,

Awood laysku haysto,

Loo wada halgamo iyo,

Ilaah hawl ma uumeen.

 

Dadka aan hawada iyo

Heegada sarreeto

Intaa kala hadlaayoo

Halista uga digaayow,

Hilibkii illowdoo

Isku hooyannimadii

Iigu hiilinweydee,

Markii aniga lay haro’e

Haaddu iga dheregtee

Hadba igu rakaataan,

Mindhaa idinkaan harac iyo

Hoos qabow leh idiin dhigin.

 

Nin kastoo horyaal ihi

Wuxuu haybad leeyahay,

Markuu haysto nabad iyo

Hanti uu ku noolyee,

Mar haddiise hanaqiyo

Lays jaro halbowlaha

Ragannimo hallawdoo,

Talo faro ka haaddaye.

 

Dadka aan hawada iyo

Heegada sarreeto

Intaa kala hadlaayoo

Halista uga digaayow,

Hilibkii illowdoo

Isku hooyannimadii

Iigu hiilinweydee,

Markii aniga lay haro’e

Haaddu iga dheregtee

Hadba igu rakaataan,

Mindhaa idinkaa harac iyo

Hoos qabow leh idiin dhigin.

 

Sidiisaba hoggaan iyo

Handadaad qof dhiig lihi,

Hayin awr ah oo kale

Kuma hebed nuglaadee,

Hindisaha wedkii galay

Ninkii ku hammiyaayow,

Kuuma hirgelaayee

Ka har baan ku leeyahay.

 

Dadka aan hawada iyo

Heegada sarreeto

Intaa kala hadlaayoo

Halista uga digaayow,

Hilibkii illowdoo

Isku hooyannimadii

Iigu hiilinweydee,

Markii aniga lay haro’e

Haaddu iga dheregtee

Hadba igu rakaataan,

Mindhaa idinkaa harac iyo

Hoos qabow leh idiin dhigin.

 

Maxamed Xaaji Nuur Maxamed

E-mail: mhd.h.n@live.com