Hoobasho iyo Halacnimo (Sheeko Gaaban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Sheekooyinka,Wararka |

IMG_0082

Hoobasho iyo Halacnimo (Sheeko Gaaban)

Waa waayada ka mid ah, ayaa la yidhi, degsiimooyinka Soomaalida waxaa ka aloosmay colaado iyo dagaaallo damiwaayay. Xaajo ugub oo dihin ayay ahayd oo gar-cadaawo noqotay. Kufsasho, xasuuqid, isirxaaqid, baqti-gowrac, maataddoox, mooradduug iyo saqiirraddubad ayaa dhacay. Dhiig fara badan ayaa dhulka galay. Falal aad u foolxun, silloon oo sirgaxan, Muslin daayoo, Masiixi iyo Yuhuudba uu ka sarriigto ayaa dhacay.

Ka daran, hayeeshee, abaaro gaag-ma-reebaan ah baa dhulkii si isdaba joog leh ugu habsaday. Xilliyadii roobabka ayaanay  daruurihii di’innin. Biyihii iyo baadkii ayaa yaraaday. Balliyadii iyo waxaa guray harooyinkii. Webiyadii Jubba iyo Shabeelle baa isdhimay. Wadaamihii ceelasha dowlisyo dhaadheer in lagu xiro ayay u baahdeen. Hogo kaliileed weeye oo hanfi, kulayl iyo huur badan. Kolkolna habaas ayaa nafleydii indhaha kala tegey. Harraad baa dad iyo duunyaba u go’een. Dabadheer, Gaatame, Haarriye, Hargacuna, Hawaare, Jiitama, Xaaraame iyo Xoolajare baa biyo iyo caano ahaa. Waxaan la arag oo la maqal ayaa carrigii heley. Hanti xoolaad – adhiga (idaha iyo riyaha); ishkinka (geela iyo lo’da); gammaanka (fardaha, baqallada iyo dameeraha) – wixii dadku haystay baa gabaabsi noqday.

Saddex bacaluul oo boolida qaranka iyo burburka dagaallada sokeeye ku baraaray ayaa barkulan isugu  yimid oo ku shiray. Dhurwaayadii la-tashi ayay dawaco ugu yeerteen iyo inay la hawlgasho. Saddexdii waraabe oo ay dayo weheliso waxay isla qoondeeyeen oo qaadaadhigeen qaabkii maammul iyo maareeyn dawlad dhexe u samaysan lahaayeen, hawlaha iyo hoggaanka dalkana gacmahoodu u soo geli lahayd oo looga talaqaadan lahaa.

”Inaannu dawladnimadii shalaytoole dalowga ka tuurray dib u soo celinno ayaa loo baahanyahay. Waliba marakan innagoon gumuc rasaas ah ridinnin. In nidaam xukuumad dhexe ah dalka ka hirgelinno oo annagu madax ka noqonno,” Quble, dhurwaayadii mid ka mid ah, ayaa hadalkiisii ku furay. ”Maanta dugaaggii waa ka daallay dagaalka oo wuxuu gartay qarannimo waxa ay tahay. Nabad ayaa xoolihii baahi weyn u qabaa. Hanti iyo raasummaal, innagoo qudha ayaa dalkii dhammaa ka haysanna. Hungo weeye nafleeyda inteedii kale. Sidaa darteed, waqtigan xaadirka ah awood maskaxeed iyo mid maaliyadeed ayaannu haysannaa oo xukunka ku qabsan karro. Xaashaa, saaxiibbo shisheeyaad oo inala guntada oo inala gurmada waynnu helaynnaa. Waxaa inala gudboon ayay ila tahay in aynnu ka faa’ideeysanno fursadan qaaliga ah oo dib dambe waligeed innoo soo mari doonnin.”

”Allaylehe, Quble, runtaa weeye. Dagaalkii sokeeye lagu kala adkaanwaa, hadduu sii socdana khatar baynnu ku jirraa. Waa in aynnu dantayada garannaa. Imminka iyo haatan halkudhegeennu `NABAD & CAANO´ oo far waaweyn lagu qoray weeye,” Qooshte, waraabihii labaad, ayaa ereygii qaatay. Waa sii watay hadalkiisii: ”Waa sida aad sheegtaye, haddii durbaanno iyo mashxarado dhawaaqoodu dheeryahay duunyada kula dhex dhacno, hubaal weeye badidood in hugunka iyo hayaanka soo dabaggeli doonaan. Waxaa intaas wehesha baaqyo, ballanqaadyo iyo baraarujin nafleeyda dhexdeeda ah – daryeel iyo horumar kala go’ lahayn in la gaarsiinayo mustaqbalka dhow. Waynnu fallisaynnaa makhaayadaha iyo sandaqadaha yaryar oo waddanka ka furmay. Durba goor dhow albaabbadooda ayaa xirmi doona oo kaayaga ayaa la rukuman doonaa.”

Seddexaad, dhurwaaga weeye dhurwaayada ugu awoodda iyo hantida badan, ayaa taladii labada waraabe kale soo jeedsheen aad ugu guuxay. Qabax, isagoo dhoollacaddeynaya ayuu yidhi: ”Dugaagga kale waxaynnu leennahay, `Isu kaalaya oo annaga ina doorta!´ Inta diidda waxaynnu ku shaabbadaynaynnaa in ay yihiin cadowga duunyada Soomaaliyeed iyo dabadhilifyada isticmaarka, shisheeyaha, shayddaamada iyo Xasbahallaha. Hashii Maandeeq gaawaheeda waa in uu soo galaa gacmahayaga gooshkakan maanta ah. Haddii kale ma war baa yaal, `meesha inagu kala dareersha!´ ayaynnu leennahay. Waddammada quwadaha waaweyn, ururrada Islaamiga ah iyo caalamka Carabta baa garab iyo gaashaan inoo noqonaya. Rafiiqyo ayaynnu dalalka jaarka ah ka helaynnaa. Imminka ayaa bur, badar, bariis, iyo beeso la helayaa. Ballanqaadyo fara badan ayaa jira. Waxa oday nabaddoon iyo qabqable ah ee carriga jooga macmacaankooda ayaa la siinayaa.

“Qurdaneey, maxay adigana kula tahay?” Quble ayaa dawaco sheekada iyo talada wadaajiyay. Kob ka yara durugsan ayay Qurdan fadhiday. Goobjoog ayay u ahayd oo sir iyo cadba waa la socotay qorshaha dhurwaayadu isu koobinayeen, hayeeshee, lama dhicinnin dulucda ujeeddadooda. Dhowr jeer ayay damacday in majliskoodaba ka baxdo. Waa ay qaadan la’ayd waxa dhurwaayada madhergayaasha ah iska dhaadhicinayeen. Horrey ayayse u tiqiin in waraabuhu yahay baqticune, bahal aan waxba hambaynnin, danayste dhadhamarraac ah, qas iyo qalaanqal-ku-noole, dugaag aan saldanad xajin karinnin.

”Dhegeysta, waraabayaalow!” Qurdan oo caraysan baa hadalkii qaadatay. ”Koowaad weeye, waynnu is naqaanne yaan lay hafrin, anigu hanti duunyo leedahay, hore uma dhicinnin haatanna ma haysto kuna hammin maayo mustaqbalka. Waa xagladdaallis xaajo aan xadhiggeed idiin guntami doonnin. Haddii aad horrey xoog, xabbad iyo xasuuq ku xoolaysateen xeel iyo xirrib xukun ku heli maysaan. Haddaad nabad, caano iyo xukuumad doonaysaan tab kale uga xoolamaali maysaan, xalaal mooyaane. Waxyaqaan hore ayaa yidhi: `Nafleydu ”walaal” waxay ku dhaanto waayay´. Hays wareerinnina, maandhooyinoow, cagaha dhigta! Toban sano iyo jarjar ayaad sankunneflaha silic, baabba’ iyo barokac horseed uga ahaydeen. Imminka hoggaanka iyo majaraha inaad u qabataan oo tu ka daran tii la soo maray dhigtaan, Maaligga ayaannu ka magangallay. Anigu qof baan ahaye, fekerkaas idinkula talin maayo, qorshana idinkula geli maayo. Arrimaha aad wadataan waxaad ka heshaan waxba hayga siinnina! Waxaanse idinku waanin lahaa, waan idiin jeedaayoo hakan maysaane, in aad nafleeyda kale ee dalka idinla deggan talada wax ka siisaan oo wadaajisaan.”

”Mid kale ayaan xusuustee,” Qurdan baa su’aal gocatay. ”Miyaad isweyddiiseen habkaad uga saari lahaydeen Hasha haadaanta dhex taalla? Muxuu yahayse hawlgalka barnaamijka samatabbixinta Hasha?”

”In aynnu ka saarro ma innagaaba ku talajirna. War qoftu maangaabsanaa. Hawshaas laguuma dirsannine, adigu miyaad ina raacday?” ayuu Quble ku warceliyey.

”Naayaa, waa qoftaadan! Haddii aadan ina soo raacinnin ogow in cayayaanka duurka jooga ay ku cuni doonaan. Hooy, imminkaad fursad haysataa ee dhurwaayadaada dhinac ka raac!” Qooshte ayaa Qurdan ugu dardaarwershey.

Sayte, ”`Ilaah baa deeq baxsha.´ Haddii dan guud la waayay, Qabyana sidaa u dayacan tahay, kobtayda ayaan Eebbe ku sugayaa.”

Qurdan diidday taladoodii oo Waaq bay talada saaratay. Durduriye saddexdii waraabe. Booraantii Maandeeq tiillay ayay u degteen. Xeel iyo farsamo kasta Hashii ku daye in ay ku toosiyaan.

Dhowr casho dabadeed waxaa Qurdan loo sheegey in Quble iyo Qabax ay ka takhalluseen Qooshte oo ay cunneen. Toddobaad ka dib, misana waxay ka warheshey in Qabax oo qudha uu haadaantii ku haray, fara kululse abeesooyin ku hayaan. Hayeeshee, waxaa Qurdan looga digay in ayax fara badan dhankeeda uu ku soo aaddan yahay oo uu soo hayo.

Qurdan oo Dayri u da’day oo Diraacdii Eebbe uga gargaaray, nabad, doog iyo barwaaqo heshey oo xoolihii u tarmeen, ayaa aroortii dambe ayax tiro badan oo sida daruurtii isula socda oo duulaya ku soo degey. Wuxuu cagta mariyey caleentii, dhirtii iyo beerihii. Xoolihii waxay daaqaan bay waayeen. Goor fiid ah ayay Qurdan booyday oo af labadii yeedhey. Sankunneefle wixii agagaarka ka dhowaa, saqiir iyo kabiir, waa muraaradillaaceen. Ammaandarro iyo xasilloonidarro ayaa aaggeedii soo foodsaaray.

Ugu dambeeyntii, Qurdan Qarandi ayay kaalmo weyddiisatay si ayaxa, aboorka iyo quraanyada iyada nafta u keenay uga cunto.

Maxamed Xasan ”Alto”

Finland, Helsinki, 26.10.2001

xasan_maxamed@hotmail.com

 

 

 

2 Responses to Hoobasho iyo Halacnimo (Sheeko Gaaban)

  1. Pingback: Hoobasho iyo Halacnimo (Sheeko Gaaban) - Daily Somalia Report

  2. Pingback: Ruksis780