Horta Hadal Muxuu Yahay?

Filed under: Aqoon-kororsi,MAANSOOYINKA,Wararka |

A Cali Nuur

Cabdishakuur Cali Nuur

 

Horta Hadal Muxuu Yahay?

Ilaahay haw naxariistee, awoowgey Cismaan Cabdi Qodax ayaan waa hadal ka dhaxlay. Wuxuu yidhi: ”Hadal waa haa iyo maya oo midba halkeeda la dhigo.” Dabadeed, maansadan la magacbaxday, “Horta Hadal Muxuu Yahay?” ayaa curatay.

 

Horta hadal muxuu yahay?

Waa halkii awoowe

Hadal waa haa iyo maya

Hilinkooda qaad sii,

Haw odhan sidaad doonto!

Haw ridin halkaad doonto!

Ha hawaawir tuuryeynnin!

Ha habrannin markay joogto!

Ha ka dhihin harkaad joogto!

Himbirirsi dheer yeelo!

Haw odhan hungurigaaga!

Hugunkana ha dheereeynnin!

 

Hoos hoosna haw sheegin!

Haw-hawna yuu noqonnin!

Hal la-faqu hawees weeye,

Hibasho yaanu kuu keennin!

Yaan lagugu haaraamin,

Hiddahaaga lagu maagin!

 

Ha holcinnin hubaal li’i!

Ha dejiyo hurgumo tagaan!

Ha oddoroso himilooyin!

Ha ifiyo umuur raaran!

Horin horimo ha lahaado!

Halkudheg ha kuu yeesho!

Iska hubi intaad hayso!

Hadhow yaanu soo noqonnin!

 

Hawo-faanka ka ilaali!

Ha hageen tusaalooyin!

Hal-abuurna ha lahaado!

Ha herdiyo halkii toosan!

Hamuun-qabe ha daawoobo!

Doorroone haw guuxo!

Ha godliyo hindise fiican!

Ha hakiyo huuhaada!

Adigoon hambaynaynnin,

Hawraarta soo gaabi!

 

Cabdishakuur Cali Nuur