“Horta miyuu mudan yahay in wiil Soomaali ahi hooyo foolato?”
Inan reer Burcood ah ayaa weedhaa laga hayaa.
Qaybta 2aad
Hooda waxay dhegta u taagaysay, guul iyo guuldarraba, waxa guddiga doorashadu soo saaro ama ku dhawaaqo, inkasta oo ay tuhun qabtay. Marnase ma filayn in wax labadaa aan ahayn soo bixi doonaan. Hal mar ayaa madaxu qarxay markii war xisbigeeda ka soo baxay muujiyey in doorashadii lagu shubtay oo la macne yahay, “waa layna musuqmaasuqay oo waxaa la rabaa in musuqaa laynagaga guulaysto”. Waxaa goor fiid ah hal mar magaalada Burco is qabsaday mudaaharaad xooggan.
Hooda, iyada oo aan is ogeyn oo jidbaysan, ayay mudaaharaadkii dhexqaadday. Iyadoo caro iyo qiiro cirkaa maraysa ayay dadkii dhex booddey. Waa markii u horreeysey ee cimrigeeda, iyadoo aan xijaab xirnayn bannaan u baxdo. Markiiba mudaaharaadkii wuxuu isu beddeley mid rabshado wata. Hooda oo qaylinaysa ayaa gaadhi boolisku leeyahay hardi ku dhuftay. Iyadoo dhaawac sinta ka qabta ayaa saldhigga booliska la geeyey. Waa markii u horreysey ee waligeed saldhig la geeyo. Hooda waxay garaysanwayday sida boolisku gaadhiga ugu tuureen, cayda iyo hanjabaadda afkooda ka soo baxaysay, iyagoo aan dan iyo xeel ka lahayn jugta gaartay iyo inay qof dumar ah tahay. Hooda xitaa waxay ka yaabtay markay qabanayeen in ayan ixtiraamayn xubnaha jirkeeda oo meeshii ay doonaan qabanayay. Hooda subixii dambe ayaa la soo daayay. Kolkii ay socon weydey, waxay gurigeedii ku timi Bajaaj.
Hooda iyada oo sariirteedii jiifta ayay dib u milicsatay taariikhdii nolosheedu soo martay. Waxaa u soo baxday, ilaa iyo maalintii ay dab ka leexatay, in lagu maaweelinayay rajo aan loo hawlgelin in la gaaro lidkeeda laga shaqeeynayay. Hooda waxaa dhegeheeda ku batay ‘nabad iyo barwaaqo ayaynnu haysannaa’ iyo ‘dalka barwaaqaa fadhida’. Waxay isweyddiisey barwaaqada la sheegayo waxay iyadu u arkiweydey.
Waxaa mar dambe u soo baxday, ‘Eebbaa Mahad lahoo, haa! barwaaqo waynnu haysannaa’. Hayeeshee, barwaaqo waynnu haysannaa, keliya waa kolka aynnu nolosha ama nabadda SL haysato loo barbardhigo midda Muqdisho. Waxay isweyddiisey goorta laga gudbi doono muraayadda Muqdisho daawashadeeda laga qiyaas qaadanayo. Maxaa diidey in laga cabbiraad qaato midda dalalka dunida ee horumaray?
Haddana waxay isweyddiisey, “Horta haddii Xisbiga Waddani doorashada ku soo bixi lahaa, miyuu dalku sidan ka fiicnaan lahaa? Oo yaa kugu yiri?” Dabadeed ragga xisbiga hoggaamiya ayay daraasad ugu noqotay. Waxaa u soo baxday in ayan waxba ka duwanayn kuwii joogey iyo kuwa imminka la leeyahay waa guuleysteen, aan ka ahayn in ay qabiil ahaan ka xigaan kuwaas kale. Hal mar ayay liqday dareenkeedii ku aaddanaa Xisbiga Waddani ayaa libaan keeni lahaa. Waxayse waxaan kolla la oggolaan karin u aragtay is-boobka iyo ku shubashada la sheegayo.
Intaa markay ka soo jeesatay ayay is tiri, bal SL ku wareertaye Soomaalida kale eeg. Si guud ayay u daawatay deegaamada ummadda Soomaalidu deggantahay oo ku dhaqantahay. Dhinac kasta hadday ka eegtey, waxaa u soo baxay niyadxumo, waxayna garwaaqsaday marka la eego gudaha Soomaaliya inay meelaha ugu roon ku nooshahay oo iyadu yare dhaanto gabadha le’eg ee Muqdisho joogta. Iyadaa Hooda ah oo sidaa u niyadxun misana la kuunyayo. Waxay soo xasuusatay qarixii Soobbe. Waxay hoosta iska tiri, waa adduun! Ma adiga oo Hooda ah ayaa Soomaali ugu wanaagsan? Alleylehe Soomaaliyi adduunka macne uguma noola.
Kolkay dhakafaar kala soo laabatay xaaladda guud ee qowmiyadda Soomaali la yiraahdo, ayay mar kale waxay isweyddiisey, sababta Soomaalida dayaca ugu wacan? Si fudud ayay isugu jawaabtay. Waxaa jawaab u noqotay in ummadda waxa halkaa dhigey yahay raggeeda. Illayn waa tii la yiri, ”raqba waa ku raggeedii”. Waxay soo xasuusatay Maxamed Siyaad Barre ilaa kuwa imminka jooga, waxa laga cabanayay in uu yahay ragga hoggaanka ummadda u haya.
Waxay ka fekertay liibaanta hablaha jooga waddamada horumaray ee la filka ahi ku nool yihiin. Waxay isugu jawaabtay, in dalalka horumaray waxa heerkaa gaadhsiiyey in uu raggoodu yahay. Waxay isweyddiisey, tolow ma arki doontaa ragga Soomaaliyeed oo is-beddeley? Indho quus xabaarsan ayay kala soo laabatay.
Markaas ayay isweyddiisey: “Horta miyuu mudan yahay in wiil Soomaali ahi hooyo foolato?” Inkastoo uu hammigeedu ahaa inay kol uun wiil Soomaali ah u heesto oo kudankudiso. Haddase hankaa way dhigtay oo waxay dareemaysaa in wiil ay dhashaa uu sida habaarqabayaasha iyada ka yaabiyey isna ummadda iyo jiilasha wakhtigiisa u dhibo. Waxay isugu jawaabtay, oo maxaad ba u dhalaysaa?
Hadday si fiican u dhex makhuuratay wax-ma-tarennimada ragga Soomaalida. Waxay qaadatay go’aan xag jirnimo ah. Koowaad, meel dambe oo nin Soomaali ihi ka taliyo in ayan habeen u soo hoyan. Labaad in ayan wiil Soomaali ah xanbaarin. Waxay damacday in ay afka Soomaaaliga ku hadalkiisa go’aan ka gaarto. Waxayse isaga daysay waalidkeed iyo ehelkeeda inay kula hadli doonaan.
Qoraalladeedi sida waalidaah isaga soo dabo dhacayay wax garowshiiyana kaga weydey kuwii ka faallooday. Waliba ragga qaar kuba tilmaamay inay tahay qof belo-sheeg ah.
Waxay ku soo af jartay maansadan hoos ku qoran, iyadoo ku halqabsatay gabar Naciimo la yiraahdo oo qoraalladeeda taagero u muujisay. Waxay sheegtey barteeda fb inay xirtey bulshadii ay saaxiibka ku ahaayeenna waxay ka dalbatay cafis. Ma sheeginnin sababta, waxaase laga yaaba inay wax ku qorista af Soomaaligaba joojisey. Il iyo baal dambe lama saarin. Oo xaggee bay aadday? Bal adba!
Waxay tiri:
Nafi waxay ku heentiyo
Nuur soo bidhaamiyo
Haddaan naawilaad jirin
Ma naruuro sheegtaa.
Haddaan naco khiyaaliga
Nacamluhu i daashaday
Nur ka deyin ismoodsiis
Negative miyaan ahay?
Nus qarnigii la soo maray
Nabad baan ku hurudnaa,
Miyey noloshu noo tahay?
Naalood kaleetiyo
Niyad horumar keentiyo
Miyuusan nasiib harin?
Mise naylo roob suga
Ninka lihi naq raacsado
Ayuun baan la nooc ahay
Nur Gu’ baan ku soomaa
Nimcadana dawarin baan
Nin kaleeto tuugaa.
Inaan anigu nuuxsado
Naqshadeeyo noloshoo
Neecow u soo baxo
Nalka dunida daawado
Nuur aqoonta kala baxo,
Hadmaa nidarka laga galay?
Nayruuska waayaha
Sannadaha na dhaafaa
Nah miyaaney keenayn?
Nabsigii xaggee maray?
Naas-nuugga gabanihi
Ma noocii horreetaa
Kii naxashka lagu ridey?
Maxaa tirada nimanka ah
Nin keliya ka wada dhigey,
Hal namuunad oo qura?
Naqsigaa u gaar iyo
Iska dhaxasha nacasnimo.
Naxli keene aragnaye,
Nasri-wade maxaa heley?
Nac miyey u noolyiin?
Kaba niyad xumaanaye
Waynnagaa ka noognaye,
Naciimooy ma nacab baa?
————-
Waxay sii tiri
Ninka dararta caanuhu
Dulmiga ugu dhiiqaan
Doobiyada ku buuxsaday
Ku dibbiray wixii guud
Ku dalaystay daaraha
Ku dalxiisa dunidaa
Loogu tumo durbaannada
Oo duunyaduu dhacay
Inuu daarta joogiyo
Abid daa’im noqoshiyo
Ku debbirey jiraalkiis
Dallacaad ka sii heley
Oo ku duco qaadiyo
Kii lahaa dillaal yahay
Isagoo dagaajaa
Daaddihiye lagu qoro
Dabuub orashadiisana
Doc kaleeto loo rogo
Dooddiisa nacasnimo
Mid dunida daryeeshiyo
Daaweyn dad laga dhigo
Isagoo dakaamoo
Ka damiiney garashoo
Dembi qorid ka daahiray
Dalanbaabbi talintii
Dul u yeeshey waayoo
Dabcigayga ciiloo
Doqonnimo ku daawaday
Dulinnimo adkeeysiga
Dersigaan ka korarsaday
Dayacaa dadkaygiyo
Dakharada dushaydiyo
Degelkaad ka garataa
Ku dardhaday midkii hore
Ma mid soo digleeyaan
Dadkiisa dhawraa?
Damiirkayga doogtiiyo
Dubaaqada ku taalliyo
Darxumada ku sii daa
Dood aan doorinayn talo
Hadal aan dux keenayn
Oo dicaayad loo rogo
Ceel aan dowlis loo ridin
Darkiisaa u sii jeed
Waa duug naftaadee
Ka dalaabay aniguye
Kuwa sii dugsanayow,
Idinkiyo dantiinna.
Cabdishakuur Cali Nuur
London, 02.01.2018
Dhammaad