“Horta miyuu mudan yahay in wiil Soomaali ahi hooyo foolato?”

Filed under: Articles,Sheekooyinka,Wararka |

Cbdshkr Cali Nuur

“Horta miyuu mudan yahay in wiil Soomaali ahi hooyo foolato?”

Inan reer Burcood ah ayaa weedhaa laga hayaa.

 

Hordhac

Waxaan sheekadan ka curiyey doorashadii Soomaaliland [SL], kaddib kolkii habeen habeennada ka mid ah Burco uu mudaaharaad ka dhacay. Gabar magaaladaa joogta oo qoraallo dareen caadifadaysan, calaacal iyo gocoshooyin hore xambaarsan si is-dabo joog ah u soo dhigtay barteeda Facebook-ga, ayaa sheekadan igu dhalisey. Sheekada dan siyaasadeed kama lihi ujeeddada cinwaanka maaha qoraalkii gabadha oo aan soo guuriyey, maaha magaceedii magaca aan isticmaali doono. Sheekadani waa allifaad dareenkii gabadhaa cabbiraysa.

Qaybta 1aad

Waa 32 jir waxay ku dhalatay xero qaxooti, kaddib markii laga qaxay dagaalladii u dhexeeyey SNM iyo xukuumaddii keligitaliye Maxamed Siyaad Barre. Waxay aamminsan tahay, haddii ayan dagaalladaa iyo qaxaasi dhicinnin, inay gurigii quruxda badnaa oo ku yiilley magaalada Burco oo hooyadeed lagu guursaday ku dhalan lahayd.

Kolkii SNM la wareegtey awoodda gobollada Waqooyi Galbeed, waxay yaraan ku xasuustaa farxad xoog leh iyo rayrrayn reerkooda iyo dhammaan dadkii xerada ku jireyba u dabbaaldegeen. Waxaa la isu sheegayey in dalkii la xorreeyey laguna laaban doono. Waxay sida Quraanka u xafidday magacyadoodana dusha uga qabatay rag halgamayaal iyo mujaahidiin ku suntanaa oo guushaa dhaliyey.

Isla waayihiiba Hooda iyo reerkooduba waxay ku soo laabteen Burco. Inta ay safarka soo ahaayeen, Hoodo waxay sawiratay inay arki doonto magaalo qurux badan. Kolkay Burco soo gaareen, Hooda waxay indhaha saartay magaalo burbursan, sidii loo soo waday waxaa lagu soo furay gurigii hooyadeed lagu guursaday oo derbiyada qaar dhaceen saqafna warkiisaba daa. Waxaa gebigiisba qariyey geedka cagaarka badan oo Soomaalidu geed Yuhuudka u taqaan. Hooda waxay xasuusataa aabaheed iyo adeerkeed oo geedkaas jaraya.

Qolalka badankoodu waa dunsanaayeen. Hayeeshee, mid aan saqaf lahayn oo gidaarradiisu wada dhisan yihiin ayaa baco dusha laga saaray, halkaas ayayna in muddo ah ku noolaayeen.

Kolkii Burco lagaga dhawaaqay gooni-isu-taagga Soomaaliland, inkastoo Hooda ayan fahamsanayn, haddana waxay ka mid ahayd carruurtii farxadda u soo bannaanbaxday. Waayo waalidkeed ayaa u sheegey in wixii haatan ka dambeeya barwaaqo la geli doono. Wali waxay xasuusataa suugaantii samo saadinta iyo farxadgelinta ahayd ee berigaa lagu cabbiray guusha la gaaray.

Hooda waxay billowday iskuul iyo malcamad Quraan. Reerku gurigoodii waa dayactireen. Mar kale Hooda, 1994 waxay habeen ka seexaan weydey daryanka rasaasta oo u dhexeeysey maammulkii Soomaaliland iyo qabiilladii deegaanka wada deggenaa. Isla maalmihii ku xigey waxaa Hooda loo soo sheegey in adeerkeed aabbaheed la dhashay iyo qaar kale oo qaraabo dhowdhow ah la diley. Hooda waxay isla subixii ku xigey ku war heshey reerkii oo gaadhi lagu raray iyo qax cusub. Hal sano oo kale ayaa Hooda iyo reerkoodu waxay deggenaayeen magaalada Gaashaamo oo ka mid ah deegaan Soomaalida ee Ethiopia. Hooda waxay garaysanweydey in cidda markaan soo qixisey tahay qaar ka mid kuwii magacyadooda lagu habay oo halgamayaasha ahaa. Haddii yaraanteedii ay haraanka Siyaad maqli jirtey kuwa maanta la haaraamayaa waa geesiyaashi iyo mujaahidiintii taliskii militariga riddey. Kolkol waxay is weyddiisaa kuwa soo qixiyey waxay Maxamed Siyaad kaga duwan yihiin. Waqtigaa mana helin jawaab aan ka ahayn inay uun hayb ahaan is xigaan. Hooda su’aal ay aabbaheed iyo hooyadeed midba mar weyddiisey oo ahayd, ”Sow idinkii na yiri: ’barwaaqaa la gelayaa’ muxuu yahay dhibkaan cusubi?” jawaab qancisa ma helin.

Sannad kaddib Hooda, iyada iyo reerkoodii, waxay dib ugu soo laabteen magaalada Burco. Inkasta oo la heshiiyey haddana waxaan maskaxdeeda ka bixin nacaybkii ugu abuurmay raggaa horboodayay dagaalkii mar kale qixiyey. Waxaa uga sii darraa in ragaas ay dagaalkaas ku cadowsaday ayan kolla ka bixin hoggaaminta siyaasadda dalka. Hooda profile-keeda waxaa ugu qoran inay Dugsi Sare ka baxday iyo Jaamacad Siimad la dhaho. Wax shaqo ah ma helin. Shaqowaageedana waxay u aanaysaa iyadoon qaraabo firfircoon ku lahayn maammulka oo shaqo geysa ama weji leh oo hay’adaha ka waasteeysa iyo in ayan jifida hoose ee ay ka dhalatay cid ku lahayn ganacsatada shirkadaha waaweyn leh.

Hooda intay jirtey hal mar bey guur u hollatay waxaana aad la isu jeclaaday inan Keyse la oran jirey inay ka miro dhaliyaan jacaylkooda. Waxaa isbaaro ku noqtay duruufo dhaqaale oo Keyse haysatay darteed, taasoo markii dambe Keyse ku dhalisay inuu tahriibo si uu u soo shaqeeyo dhaqaale uu Hooda ku reereeysto u helo. Nasiibdarro Keyse wuxuu ka mid ahaa raggii ku geeriyoodey doonidii Masar ee lagu hoobtay. Hooda sidii ay berigaa u naxday weli dib uma haweysan xiriir kale.

Hooda labo qodob ayaa ku buuxsan inay nolol wacan ku heli karto. Waa midda koowaade, dalka oo aqoonsi caalami ah hela. Waa tan labaade, in talada waddanka oo kol uun gacanta u gala reerka ay ka dhalatay, maaddaama fursadaha shaqo qaraabokiil lagu helo. Hooda shantii sano oo la soo dhaafay waxay taageere xag jir ah u ahayd Xisbiga Waddani. Waxay subax hore safka u gashay is diiwaangelin waliba iyadoo aroortaas aad u xanuunsanayd. Waxaa subaxaa soo kiciyey wacyiggelin loogu sheegey inay farteeda ku beddeli karto mustaqbalkeeda. Waxay har iyo habeen u taagnayd ololihii xisbiga. Waxay qofka u horreeya ka noqotay goob doorasho oo ku taalla magaalada Burco subiixii 13/11/2017 ee doorashada Soomaaliland, maaddaama ayan habeenkii seexan. Hooda way ku niyad samayd in xisbigeedu guuleysan doono, in laga guulaysan karana waa filan kartay.

Cabdishakuur Cali Nuur

London, 02.01.2018

Waa socotaa…