IGAD iyo Xorriyadda Isu-socodka Dadka

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Wararka |

BILIGSEY II

IGAD iyo Xorriyadda Isu-socodka Dadka

Bisha Febraayo 12dii 2018ka waxaa Muqdisho, Soomaaliya, lagu qabtay kulan wada xaajood oo ay soo qabanqaabisey IGAD “Intergovernmental Authority on Development” loogana hadlayay arrimaha la xiriira xorriyadda isu-socodka dadka u dhashay dalalka: Suudaan, Koofurta Suudaan, Eritereeya, Itoobiya, Kiinya, Soomaaliya iyo Ugaandha oo ah xubnaha ururka.

Afarta cisho oo uu shirku socday waxaa laga doodayay sidii dawladahaasi isugu furi lahaayeen xuduuddooda, si dadka iyo ganacsiga dalalka IGAD si dhib yar isugu gudbaan. Taasi waxaa qoraya heshiiskii lagu unkay IGAD qodobkiisa 7aad (Article 7) oo ku boorinaya dawladaha ururka xubnaha ka ah inay hormariyaan oo baritaaraan in dadka (persons), alaabooyinka (goods) iyo adeegyada (services) si xor ah isaga kala gooshaan dalalka ururka xubnaha ka ah. Qodobku wuxuu kaloo qoraya in muwaaddin kasta degi karo, kuna noolaan karo dalkuu rabo isagoon wax fiisa ah la weyddiin. Waa ra’yi uu Midowga Afrika aad u taageersan yahay; waxaa kale oo aad u daneynaya beesha caalamka, ujeeddaduna waxa weeye in nolosha dadka Geeska Afrika ku nool, guud-ahaan, kor loo soo qaado. Hayeeshee, waxaan ka digayaa oo aan jeclahay in aan hoosta ka xariiqo in arrintaa ku qotonta qalbi-wanaagga aan si gurracan looga faa’iideysan!

Waxaan u maleeynayaa in tallaabadaasi looga dayanayo waddammada Midowga Yurub laysku yiraahdo iyo heshiiskoodii Schengen, Luxembourg. Guud-ahaan waa arrin wanaagsan baan is-leeyahay. Shirarka iyo aqoon-is-weydaarsiyada haatan ka socda dalalka kala duwan ee IGAD. Wuxuu ku qotomaa in la helo ‘Protocol’ ama sharciyo, qaab iyo nidaam la raad-raaco oo lagu maareeyo xaaladaha khuseeya arrinta isu-socodka.

Ku darsoo, hayeeshee, waa lagama maarmaan in mid maanka lagu hayo: waxaa heshiis wada gala dalal siman, si aan midkoodna dulmi ugu dhicin. Tusaale ahaan, heshiiska Schengen oo la saxiixay 14kii Juun 1985kii, waxaa lagu bilaabay 5 dal (Belgium, Faransiiska, Luxembourg, The Netherlands iyo Jarmalkii Galbeed) oo ka mid ahaa 10kii waddan oo ay waagaas Midowga Yurub ka koobnayd. Waxaa muuqata dalalka kale ee aan wagaas saxiixin inaanay diyaar u ahayn, sidaas darteed wakhti dheeraad ah la siiyey. Hirgelinta iyo ku-dhaqanka heshiiskii Schangen wuxuu qaatay muddo aan ka yarayn 14 sannadood. Iyadoo laga duulayo xasaasiyadda arrintu leedahay, waxaa wanaagsanaan lahayd in arrinkaas Midowga Yurub looga daydo oo aan hawsha lagu deg-degin.

Haatan, waxaa muuqata in dalalka Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan (waxaan la soconaa in Koofurta Suudaan diidday inay qayb ka noqoto heshiiska xaalado ammaan awgood) ay xaalado gooni ahi ka taagan yihiin. Aniga, qof ahaan, hadda waxa i khuseeya waa arrimaha Soomaaliya. Wax la is-weyddiinayaa sidee baa dal aan wali lahayn nidaam adag, ciidammo tayo leh oo ilaaliya dalka xuduudihiisa beriga, badda iyo hawada ama shaqaale u tababbaran hawsha baaxaddaa leh, ula shirkoobi karaa dalal dhisan oo nidaamkooda dawliga ahi shaqeeynayo?

Haddaba aniga aragtidayda, taasi waxay ka dhigantahay nin waalan oo lagu dhex-tuuray dad miyir qaba! Dalalka kale qudhooda uma fiicna waayo waxaa u tegi kara dad aan la jecleysan karin ama dhibaato ula taga. Sidaas awgeed, waa in Soomaaliya wakhti ku filan la siiyo si ay isugu diyaariso la-fal-galka barnaamijkaasi muhimka ah, si loo kala garto qofka wanaagga wada iyo kan kale!

Tallaabadaasi, isla markaas, waxay shakiga ka saari kartaa dad badan oo Soomaali ah oo qaba in dalkooda laga faa’iideysanayo, maaddaama uu haatan yahay dal maammul ahaan jilicsan oo kala firirsan (fragile state). Waxaa si gaar ah welwel laga muujinayaa, ishana lagu hayaa waddammada deriska ah oo tiro ahaan inaga badan, imminkana ina tayo iyo tabar dhaama! Sidaas darteed, isu-socodka dalalka xubnaha ka ah urur-goboleedka IGAD waa inuu noqdaa mid ku yimaada in-yar-in-yar, kuna saleeysan xaaladaha dal kasta goonida u ah. Waxaan hubaa in dadka gacanta hawsha ku haya dareensan yihiin inahaas iyo in ka badan.

Qore: Cabdisalaan Cali Biligsey

15.02.2018