Jamaal iyo Jalaqsan

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

GOBAAD

Jamaal iyo Jalaqsan

Waa waayada ka mid ah waxaa jiri jirey inan agoon iyo rajay ahaa. Jamaal ayaa magaciisa la odhan jirey. Waxaa barbaariyey oo wax soo baray oo habeen iyo maalin heegan u ahaa oo muraqoodii iyo iyo maalkoodiiba u huray adeerkii aabbihii la dhashay iyo afadii uu qabay oo inanka eeddo ugu aaddanayd.

Jamaal wuu aflaxay, iskuulkii dhammeeyey oo jaamacaddii ka qalinjebiyey. Wuxuu noqday mas’uul talada dalka wax laga weyddiiyo.

Jalaqsan oo waligeed Jamaal jeclayd oo gargaari jirtey intii awooddeeda ah wax allaale iyo wuxuu uga baahdo, isaguna ogaa in ay jeceshey, hase ahaatee aanu xubbigeeda ku duxin lana haysta hablo kale oo Carab iyo Cajab isugu jira, ayaa u timid.

“Walaale, si xoog leh ayaan kuu jeclahay. Waxaanse si xushmad iyo kalgacal leh kaaga codsan lahaa in aynnu is-guursanno oo guri wada degno.” – ayay Jalaqsan tidhi.

“Huunno, anigu hawshaa imminka uma soo jeedo. Hablo kale ayaan la haystaa oo la haasaawaa oo hammigaygu xaggooda ayuu jiraa. Nabadgelyo, Ina-adeer!” – ayuu Jamaal ku jawaabay.

Gobaad Cumar Guuleed

London, 10.04.2018