Kaalinta Ganacsiga

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Wararka |

Yaasiin VII

Kaalinta Ganacsiga

Suuq kastoo ganacsi xor ah ee dunida ka jira dawladuhu faraggelin ayay ku leeyihiin. Kaalin mug leh ayay xukuummaduhu iyo maammulladu ka ciyaaraan. Ganacsigu waa laf-dhabarka dhaqaalaha. Waxay shaqo u abuuraan bulshada. Dhaqaale ma shaqeeyn karo ganacsi la’aan. Haddii kale waxa uu noqonayaa mid dib-u-dhacsan (primitive economy).

Xaqiiqadu waxaa weeye dhaqaale kasta heerka uu doono horumarka ha ka joogo, xitaa kuwa dalalka Afrikaanka aan horumarsannayn oo dhaqaalahoodu ay dunida kale ka tagtay, waxay u baahanyihiin faraggelin dawladeed. Dadku waxay doonayaan shaqooyin si ay nolol maalmeedkooda meel u saaraan. Ganacsiyada ayaa kaalintan aadka muhiimka u ah buuxiyay oo waxay bulshada u abuuraan shaqooyin noloshoodu ku tiirsan tahay. Badi ganacsiyadu waxay bixiyaan shaqooyin oo shakhsiga maanta ganacsi cusub furtay keligii kama shaqeeynayo ee dad kale buu shaqaaleeysiinayaa.

Tusaale: aniga aan iska soo qaado, haddaan damco in makhaayad aan Boosaaso, Puntland, ka furto waxaan shaqaaleeysiinayaa dadyow, sida cunto kariyayaashii, kabalyeerayaashii, iyo caddad kaloo shaqaale ah. Makhaayaddan cusub ee aan furay shaqooyin badan baa laga helayaa. Haddaba bal ka warrama shirkado weyn ama warshado haddii la hirgeliyo ama yimaadaan dalka? Runtii waxaa shaqo ka helaya kumanaan kun oo dad ah. Ha la siiyo tixgelinta koowaad dhallinyarada oo tahriibaya shaqo, nabad iyo nolol xumo jirta awgeed. Taa waxa muhiimad ballaaran u leedahay dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo bulshada Puntland. Telefoonnada gacanta (mobile phones) qofkii u baahda waa in ganacsi ka soo gataa, waayo ma aad sameeysan kartid kelidaa. Sidoo kale, dhar haddaad u baahato waa in dukaan aad ka soo gadataa, waayo kelidaa ma soo saari kartid.

Waxaa Puntland, sida laga warqabo, ka socda mashaariic horumarineed oo ballaaran, xukuumadda Madaxwayne Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ilaah ha xafidee, waddo, runtiina taariikhda ku galaya sida ballaarinta dekedda Bossasso. Mashruucan keliya kolkuu guuleeysto waxaa shaqooyin ka helaya kumanaan muwaadiniin ah oo wuxuu xal u noqonayaa amnidarrada, saboolnimada, iyo tahriibta dhallinyaradu naftooda khatarta ku gelinayaan. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in mashaariicda horumarineed la taageero oo guusheeda laga wada shaqeeyo.

Dabeecadda ganacsiga ayaa ah shaqo abuurid. Hayeeshee, ganacsi la’aan dhaqaaluhu waa jiri karaa. Tusaale, haddii qof kasta shayga baahida u qabo isaga kelidii soo saaro ama badeecadduu iibinayo kelidii soo saaro kolkaa ma jirayso shaqo abuurid iyo shaqaaleeysiin. Waxaa dhaqaalahaasi noqonayaa mid dambeeya (aan horumarsannayn). Sidoo kale, waxa iyana dib-u-dhac dhaqaale keena waa marka wax-soo-saarka dalka dawladda gacanta u gasho, sida dhacday xilligii taliskii militariga Soomaaliya hoggaaminayay. Dawladda ayaa wax allaale iyo wixii adeegyada ahaa gacanta ku dhigtey, shaqooyinka bixineeysey, ganacsiyadii lahaanshaha gaar ahaaneed la wareegtey. Nidaamka caaykan ahi ee dawladdu adeegyada bixineeyso waxaa qaatay dalalkii Bariga Yurub oo uu ugu horreeyey Midowgii Soofiyeeti. Waa falsafadda dhaqaale ee nidaamka dawaladda adeegyada bixineeyso. Taa oo lagu difaacayo inta dulman, dabaqadaha bulshada qaybba qaybta kale dhiigmiiranayso caddaalad loo arkayay oo uu xalku ku jiro in dawladdu wax-soo-saarka la wareegto.

Soomaaliya taariikh ahaan waxaa la ahaa reer miyi noloshoodu xoolaha ku tiirsan tahay. Ma aynnu lahayn waligeen warshado iyo ilbaxnimada dabaqadaha wax-soo-saarka. Barwaaqo iyo bisayl siyaasadeed ayaa ka jirey dhulka xeebta Soomaalida degto gaar ahaan xeebaha Waqooyi Bari Soomaaliya intii aanu gumeysigu dalka soo caga-dhigan. Dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad dhulka Puntland ay ku fadhido waxay lahayd xadaarad dhaqaale iyo garasho siyaasadeed.

Marka dawladdu wax-soo-saarka gacanta ku hayso ganacsiguna ahayn mid xor ah, waxa macaamiisha baahidoodu tahay lama keenayo ama lama soo saarayo ee wixii dawladdu doonto bay keeneeysaa ama ay soo saareeysaa. Waxaa kaloo jira in warshadaha iyo wax-soo-saarka dawladdu si liita loo maammulo oo loo maareeyo, waayo ma ay jabayaan/kacayaan haddii ay macaamiishu qanci waayaan. Hannaankan wuxuu keenaa dib-u-dhac weyn dhaqaale oo dalka ku yimaada.

Yaasiin Cabdullaahi Faash

21.12.2017