Khilaawo [Sheekooyinka Soomaalida]

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

Xasan Yacquub

 

Khilaawo [Sheekooyinka Soomaalida]

Nin wadaad ah ayaa, waa waayada ka mid ah, sac qudha ka lahaa wax hanti xoolaad ah oo uu markaa carruurta u lisi jirey.

Maalintii dambe ayuu carruurtiisii ku yidhi: “Maandhooyinow, anigu saddex casho ayaan khilaawo gelayaa. Waxaan codsan lahaa in aan la ii imannin oo layla hadlinnin”.

“Aabbe, hawraarsan!” ayay carruurtii ku yidhaahdeen.

Halkii buu goob xayndaab leh tegey oo khilaawadiisii galay, isaga oo Eebbe ka baryaya in uu fakhriga iyo wax la’aanta ka saaro. Kolkii muddo uu bartii ku jirey oo saddexdii maalmood uu qabsaday la dhaafay, baa wiil uu dhalay bartii odaygu ku jirey ugu tegey. Isaga oo geed ugu soo gabbanaya oo u beenhawaaseeynaya ku yidhi: “Shiikhow, muraadkaaga waad heleysaaye, khilaawada ka soo bax! Saca aad wax xoolo ah ka haysatana carruurta u qal!”

Durbadiiba khilaawadii ayuu wadaadkii ka soo baxay oo inta uu middi la soo baxay wiilkiisii ku yidhi: ”Waan qalayaaye, saca ii soo qabo!.”

Kuye gabankii: “Aabbe, ha inaga qalin saca! Cidda kula hadashay aniga ayuu ahaa ee ma ahayn duulal kale”.

Suuye wadaadkii: “Adiguba Ilaah baa ka hadlinayay, waan qalayaaye soo qabo saca!”

Xasan Yacquub “

One Response to Khilaawo [Sheekooyinka Soomaalida]

  1. Pingback: Khilaawo [Sheekooyinka Soomaalida] - Daily Somalia Report