Laba Nin oo Saaxiibbo Ahaa [Sheekooyinka Soomaalida]

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

Xasan Yacquub

 

Laba Nin oo Saaxiibbo Ahaa [Sheekooyinka Soomaalida]

Laba nin oo saaxiibbo ahaa ayaa midkood Eebbe ka baryay in jawaab dahab ah uu siiyo. ”Ilaahow, jawaan dahab ka buuxo igu deeq!” ayuu ku duceeystey.

Saaxiibkii oo dhinac taagnaa oo baryada maqlayay ayaa ka daba yidhi: ”Aammiin!”

Rabbi tuugsigii waa ka aqbalay oo jawaankii dahabka ahaa ee la baryay ayuu degdeg ugu yaboohay.

Dabadeed waxaa dhacday in labadii rafiiq ay jawaankii dahabka ahaa ku diriraan. Kii koowaad wuxuu ku dooday in isagu Eebbe si toos ah jawaanka dahabka ah uga baryay, sidaa darteedna ayan cid la lahaan karinnin. Kii labaad wuxuu ku andacooday in uu xaggiisana baryada saaxiibkiis raaciyey ’aammiin iyo duco’.

Mid cakiran ayay sheekadii noqotay. Kolkay qir iyo qir istaagtay oo laysku mariwaayay ayaa qaaddi laysula tegey.

“Qaaddiyow, jawaankan dahabka ah aniga ayaa Eebbe ka baryay oo i siiyey. Ninkan baa igu haysta,” ayuu maxkamaddii ka dhex yidhi.

Kii labaaad ayaa hadalkii qaatay oo yidhi: “Qaaddiyow, ninkan gacmaha ayuu hoorsaday oo Ilaah ka baryay in uu jawaan dahab ah ina wada siiyo. Aniguna ‘Aammiin!’ ayaan ka daba idhi.”

Qaaddigii ayaa weyddiiyey ninkii koowaad: “Ma waxaad tidhi, ‘Ilaahow jawaan dahab ah ina wada sii, mise aniga uun i sii?’”

“’Eebbow, aniga uun i sii!’ ayaan ku duceeystey”, ayuu ku jawaabay.

Wuxuu qaaddigii sheegey in haddii ninka koowaad uu baryadiisii ku adeegsaday ereyada ‘Eebbow, jawaan dahab ah aniga i sii!’ kolkaas isaga ayaa hantida leh. Haddiise uu baryadiisii ku adeegsaday ereyada ‘Eebbow, jawaan dahab ah ina wada sii!’ kolkaas labada nin hantida waa wada leeyihiin oo waa ka wada dhexeeysaa.

Garyaqaankii wuxuu dabadeed kiiskii ku soo gebaggebeeyey in labada saaxiib muddo gaaban gudaheed markhaatiyaal maxkamadda la yimaaddaan. Teer iyo inta ka horreeysana, jawaanka dahabka ah xarunta garsoorka ayuu dhex oollayaa.

Xasan Yacquub “Baabraqiis”

 

One Response to Laba Nin oo Saaxiibbo Ahaa [Sheekooyinka Soomaalida]