Nabad iyo Nolol

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Wararka |

Yaasiin VII

Nabad iyo Nolol

  1. Dhulka awoowayaasheen, Ilaah Jannadii ha ka wada waraabiyee, kama aynnu dhaxlinnin. Eebbe ayaa inoo hibeeyey.
  2. Horumarku waa tallaabooyin aadanahu qaado si uu uga faa’iideeysto khayraadka Alle siiyay.
  3. Goobtii webiyada ka arradan waxay heli kartaa biyaha dhulka hoostiisa mara iyo midka samada ka soo dhaca (roobka).
  4. Dhibaatada deegaanka qofkii ayan ku weynnayn qudhiisa ayaa dhibaato ah. Miyiga dhirtii ayaa ka dhammaanaysa oo nabaad-guur baa ku socda.
  5. Waxaan jeclahay aadmiga oo dhan, hase ahaatee waxaa adag in la helo qof la jeclaan karo.
  6. Caana-boore maxaad u dooneeysaa? Innagu caano geel iyo adhi saafi ah baynnu leennahay.
  7. Taxaddarka ayaa taxaddar la’aanta dhaamma.
  8. Tacliintu waa waxbarasho, waxbarashaduna waa iftiin.
  9. Aniga waxaan wax u bartaa in aan xirfad yeesho. Anigu naftayda ayaan wax u baranayaa.
  10. Miyey nololi ka jirtaa xiddigga Mariiqa? Waa maya. Dayaxa nololi ma ka jirtaa? Maya weeye. Dhulka nololi ma ka jirtaa? Wali haa.
  11. Macaan nabad baa leh. Waa in uu hiigsigu noqdaa caddaalad sidii loo gaadhi lahaa iyo saxidda khaladaadka. Waxaa habboon in nidaam dawladeed oo jira la burburinnin. Dawlad xun dawlad la’aan bay dhaantaa.
  12. Mustaqbalku waa qalin ee maahan qori, waa nolol ee maahan dhimasho. Mustaqbalku waxay dani ugu jirtaa dhammaan dadkoo idil.
  13. Colaadda, aqoondarrida iyo saboolnimada ayaa aadanaha iyo horumarkiisa nacab u ah.
  14. Waxa socda maahan webiyada ee waa biyahooda; waxa socda maahan waqtiga ee waa da’da.
  15. Markay maskaxi caafimaad qabto dagaallo ma ay suurtaggalaan. Dagaalladu wax bay burburiyaan ee wax ma badbaadiyaan. Koofur, Galbeed, Waqooyi iyo Bari hubka ha la dhigo!
  16. Yaa dagaal ku guuleeysta? Dhimashada ayaa ku guuleeysata. Haddaba haddii taa inoo caddahay yaan carruurta hubka loo dhiibin.
  17. Nabaddu waa erey mug iyo wax-ku-ool leh. Hayeeshee daydday, jirri iyo mooryaan tol iyo ehel uma aha.
  18. Isweyddiinta ruux kastoo Soomaali ah maanta laga doonayo maahan maxay dawladdu ii qaban kartaa ee waa maxaan dawladda u qaban karaa.
  19. Qofkii wax u fiirsada wax badan buu arkayaa, kii wax badan arka wax badan buu awoodayaa, kii wax badan awooda wax badan buu qaban karaa.
  20. Horumar kasta meel buu ku dhammaadaa.
  21. Sirta guushu iyo farxaddu waa yeelashada hal feker qudha maahan gelinba feker cayn ah.
  22. Shaqadu waa raaxo.
  23. Qofka waxgaradka ahi khaladyadiisa cashar buu ka bartaa.

Yaasiin Cabdullaahi Faash

13.11.2017