NIN IYO SHAYDDAAN [Sheekaxariirooyinka Soomaalida]

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

Xasan Yacquub Baabraqiis

Xasan Yacquub “Baabraqiis”

 

NIN IYO SHAYDDAAN [Sheekaxariirooyinka Soomaalida]

Nin baa Shayddaanka aad iyo aad u nebcaa.

Sharka Cawdu Bille” iyo kun nacalladood ayuu Shayddaanka maalin walba u diri jirey.

Maalin maalmaha ka mid ah Shayddaankii baa Ninkii oo hurda gaadmo ugu u yimid oo ku yidhi: ”War toos, daartaadii ayaa duntay!”

”Waa kuma qofka ila hadlaya?”

”War waa anoo Shayddaan ah,” ayuu ku jawaabay. ”War wax daran Alle kugu jirabye, orod oo naga tag! Sow anigii kunka nacalladood maalin walba kuu soo diri jirey maaha.”

Xasan Yacquub “Baabraqiis”