Nin La Dhacay [Sheekooyinka Soomaalida]

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

Xasan Yacquub

Xasan Yacquub “Baabraqiis”

 

Nin La Dhacay [Sheekooyinka Soomaalida]

 

Nin baa ka soo socdaalay reerkiisii oo miyi jira oo soo qabtay dhanka magaalada, isagoo qumbe subag ah iyo wan buuran oo toddoba jir ah wata. Ninkii reer miyiga ahaa waxaa sheedda ka arkay laba tuug oo bililiqo-doon ah. Waxay iskula faqeen oo durba u tabaabusheeysteen sidey wanka iyo subagga ninka uu wato uga dhici lahaayeen.

 

Labadii tuug midkood ayaa yidhi: ”War, indhaha ayaan is-tirayaa, ee adigu i soo dabaggal”.

“Hawraarsan,” ayuu tuuggii labaad yidhi.

Kaddib indhaha ayuu xanjo marsaday oo istaagay waddadii uu ninku soo hayay.

 

“War, yaa sharqamaya?” ayuu ninkii safarka ahaa goortuu u soo dhowaaday ku yidhi.

“Waa anigoo xaggaa iyo magaalada ku socdaal ah, maxaa darraa?”

“Gacaliyow, magaalada i sii gee, waad i aragtaayoo waan indhala’ahay oo isma hagi karo, i gacan qabo!” ayuu xirriblihii yidhi.

“Hoo wanka ii qabo, ushana keen!” ayuu ninkii safarka ahaa yidhi, isagoo doonaya in uu ninka indhaha la’ gargaaro oo magaalada geeyo.

 

Cabbaar goortii la sii socday, xirriblihii labaad intuu si aayar ah u soo dabaggalay, ayuu wankii furtay oo la tegey.

“Waxaad mooddaa in xadhigu xoolo aanu ku jirinnin. Waxaad yeeshaa orod oo wankii baadiggoob, qumbahana keen aan kuu sii hayee,” ayuu tuuggii indhoolaha iska dhigayay yidhi.

 

Ninkii safarka ahaa goortuu dib u laabtay oo billaabay in uu wankiisii raadraaco, ayaa xirriblihii koowaad isna qumbihii subagga ahaa la baxsaday.

 

Xasan Yacquub “Baabraqiis”