QAAD-CUNE

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

CBDSHKR

Cabdishakuur Aadan Faarax

 

QAAD-CUNE

 

Ninka qaadka cuna:

  1. Laba ragga ayuu kala mid yahay;
  2. Laba dumarka ayuu kala mid yahay;
  3. Laba daayeerka ayuu kala mid yahay;
  4. Laba dameerka ayuu kala mid yahay;
  5. Laba lo’da ayuu kala mid yahay;
  6. Labana geela ayuu kala mid yahay.

 

——————————————————————————————————————————

 

  1. Laba ragga ayuu kala mid yahay – waa magta iyo muuqaalka;
  2. Laba dumarka ayuu kala mid yahay – waa mu’akidka [emphatic] iyo asaraarka [quarrel];
  3. Laba daayeerka ayuu kala mid yahay – waa fadhiga iyo findhicilka;
  4. Laba dameerka ayuu kala mid yahay – waa qashinka iyo qaylada;
  5. Laba lo’da ayuu kala mid yahay – waa tala-xumada iyo tooraha [track];
  6. Labana geela ayuu kala mid yahay – waa dibboodka iyo dibed-wareegga.

 

Cabdishakuur Aadan Faarax

Qardho, Puntland, Soomaaliya