Qurbajooggu waa Cudud Qarsoon

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

Qurbajooggu waa Cudud Qarsoon

Ururradeenna qurbajoogta waxay u jiraani waa qaabkay u beddeli lahaayeen magaalooyinka iyo tuulooyinka naga lumay.

[Our exile organizations have been our way of replacing the cities and villages we have lost.]

Henning Mankell

Awoodda qarsoon ama aan muuqan ee Puntland waa qurbajoogta qarnigii labaatanaad (20th Century) ee tegey intii dhexda lagaga jirey dhoofey. Waxaa dunida ka dhacay dhacdooyin waaweyn oo taariikhi ah waana in marna la ilaawin. Waxaa ka mid ah in dad badan oo Soomaaliyeed dibedda u dhoofeen iyaga oo raadinayay in ay helaan waxbarasho tayo leh iyo shaqooyin mushahaar fiican leh si iyaga iyo carruuurtooda nolol fiican ugu noolaadaan. Waxa Soomaaliya khasab kaga dhigay in ka dhoofaan waa iyada fursaddu yareeyd xilligaa, in badan dadkaas ka mid ahi dib dambe uma soo noqonnin. Qurbajoogta Soomaaliyeed waxay ka mid yihiin bahda weyn ee qurbajoogta Afrika (part of African Diaspora).

Sharraxaad ayaa laga bixin karaa su’aasha ah, waaayo qurbajoogtu? Midowga Afrika ayaa yiri: “Qurbajooggu waa dadka asal ahaan ka soo jeeda Afrika, xitaa hadduu dhalasho ajnabi haysto, kaasoo diyaar u ah in uu wax ku soo kordho horumarka qaaradda Afrika iyo waliba yagleelidda iyo dhismaha Midowga Afrika”.

Caalam ahaan qurbajoogta Afrika waxay ku kala firdhisanyihiin dhammaan dunida dacalladeeda. Waqooyiga Ameerika waxa ku nool 39 milyan qurbajoog Afrikaan ah, Latin Ameerika waxa ku nool 113 milyan, dalalka Karriibiyanka waxa ku nool 13.6 milyan, Yurub waxa ku nool 3.5 milyan. Tirakoobkan waxa sameeyey Bangiga adduunka (World Bank).

Qurbajoogta Afrika isku mid ma ahan waa kala duwan yihiin. Qaar waxay ku dhasheen dalalka asal ka soo jeedaan qaarna iyaga oo da’yar bay u haajireen qurbaha, sida dalal ku yaal Yurub iyo Maraykanka iyo meelaha kale oo caalamka. Halka qaar kalena yimaadeen iyaga oo da’yar si kulliyado u bilaabaan. Si kastaba qurbaha ha ku tageen, qurbajoogtu waxay la yimaadeen farsamooyin kala duwan kuna soo biiriyeen dalalka asal ahaan ka soo jeedaan. Maxaa yeeley, laba adduun oo kala dudduwan bay khibrad u leeyihiin, isla markaa waxay noqon karaan biriish is-afgarasho fiican uga dhex abuuraan qaaradaha dhexdooda iyo dalalka jinsiyaddiisa ay qaateen. Waxay ku nool yihiin duni aan kala maarmin. Runtii qurbajoogta Afrikaanku wax badan bay ku soo kordhin karaan horumarka qaaradda Afrika.

Waxay qaaraddu ku faanaysaa dhaqaalaha ugu koritaanka badan adduunka. Lix ka mid ah suuqyada ugu koritaanka badan waxay ku yaalliin dhulalka Afrikada madow (sub-Sahara africa), iyaga oo isticmaalaya aqoontooda, xirfaddooda, iyo hantidooda. Waxay qurbajoogtu awood cid kale awoodin u leedahay in wax ku soo kordhiyaan si horumar dhaqaale iyo barwaaqo qaaradda Afrika u gaarto.

Marka hore, qurbajoogtu waxay gacan ka geeysan karaan sidii wax looga qaban lahaa sumcadxumida (bad image) Afrika. Dhammaan qurbajoogtu waxay noqon karaan danjirayaal, si Afrika u keenaan aragtiyo fogfog iyo fekredo wax ku ool leh. Waxay ku dayasho u yihiin bulshada Afrika. Guud ahaan, saddexda waxyaalood Afrika sumcadda ka diley waa:

1. Dhimasho

2. Rajabbeel

3. Cudurro

Saddexdaa waxyaalood weeye ee Reer Galbeedku wali Afrika ka aamminsanyahay.

Qurbajoogta Afrika, gaar ahaan da’yarta waxay noqon karaan sawirka Afrikada cusub, waayo waa kuwo aqoon leh, rajo qaba, firfircoon si isbeddel iyo qaabeeyn ugu sameeyaan mustaqbalka Afrika.

Tan labaad qurbajoogtu waxay gacan ka geeysan karaan sidii ay u qaabeeyn lahaayeen siyaasadda dibedda dalalka ay ku noolyihiin, maaddaama in badan qurbajoogta xiriir adag qaaradda la leeyihiin. Qurbajoogta waxay saameeyn ku yeelan karaan Siyaasadda dibedda waddammada ay ku noolyihiin, iyagoo macluumaad iyo daraasaad xaqiiqda dalalka Afrika ka jirta siinaya iyo iyaga oo la socodsiinaya guusha horumar ee la gaaray, hayeeshee warbaahintu iska indhatirtey ama wax yar ka xustey iyo xalka caqabadaha hortaagan horumarka.

Ugu dambeeynta, qurbajoogtu waxay ku soo kordhin karaan aqoontooda, xirfaddooda, firfircoonidooda iyo hantidooda si dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada Afrika u sii horumarto. Qaar badan qurbajoogta ka mid ah waxay maanka ku hayaan in ugu dambeeyn dib ugu laabtaan dalalka asal ahaan ka soo jeedaan (permanent return) kaddib markii dibedda muddo ku noolaayeen. Hase ahaatee, mid ka mid ah caqabadaha waaweyn ee horyaal waa siday u heli lahaayeen shaqooyin u qalma haddii ay noqdaan.

Afrika baahida loo qabo shaqaale xirfadleey ah waa mid weyn. Jiritaan la’aanta shaqaale xirfadleey ah oo daboosha baahida loo qabo ayaa ah mid daran. Machadka McKinsey Global Institute waxaa warbixin uu soo saaray ku qoran in tiro 122 milyan dad ku soo kordhayaan shaqaalaha Afrika (Labor force Addition), inta u dhaxeeysa 2010-2020 taas wadarta ka dhigeeysa 500 milyan shaqaalaha qaaradda.

Xirfadleeyda Afrikaanku waxay aqoonsadeen fursad weyn in Afrika ka jirto. Waxaa tiro ballaaran iyaga ka mid ahi dib ugu noqonayaan qaaradda, si xilal sare shirakadaha waaweyn iyo hay’adaha kale uga qabtaan. Sidoo kale waxay maalgashi ku sameeynayaan suuqa Afrika ee soo ifbaxaya iyo in shirkado ganacsi gaar ah abuurtaan si ay u abuuraan shaqooyin iyo in la helo koboc dhaqaale. Ka faa’iideeysiga aqoonta, xirfadda iyo khabiirnimada qurbajoogta Afrika waxay gacan ka geeysan kartaa horumarinta shaqaalaha Afrika waana xaqiiq jirta.

Talo Soo Jeedin

Xafiiska qurbajoogta Puntland ama hay’addii kale ee qaabbilsan waa in ay qabataa shir sannadle ah “shirka maalgeshiga iyo xirfadleeyda qurbajooka ah” si xirfadleeyda qurbajoogta ah ee deegaannada Soomaaliya ugu nabadgelyada badan oo ay ka jirto dimuqraadiyad curdun ah u ogaadaan caqabadaha iyo fursadaha jira si shaqo uga raadsadaan Puntland, iwm, faa’iidada leedahay waa in dadka ka soo qaybgalaya helaan macluumaad si ay u qorsheeyaan in shaqo raadsadaan iyo maalgeshiyo sameeyaan.

Isku dubarididda si qurbajoogta uga qaybgasho horumarka, ganacsiga iyo dib-u-dhiska dalkooda ayaa guul labada dhinacba u ah (win-win situation). Waxay dhiirrigelineeysa xiriir adag oo dhexmara Puntland iyo dalalka dibedda si dardar loo geliyo Horumarka Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Puntland.

Yaasiin Cabdullaahi Faash

Kassel, 09.05.2017