Ragow, Kibirka Waa Lagu kufaa!

Filed under: Aqoon-kororsi,MAANSOOYINKA,Wararka |

Ragow, Kibirka Waa Lagu kufaa!

 

Waxaa gabaygan tiriyey Gabyaagii weynaa ee caanka ahaa, Eebbe haw naxariistee, Ismaaciil Mire Cilmi. Abwaanku wuxuu ka mid ahaa abbaanduulayaashii Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Wuxuu doorar lama illaawaan taariikhi ah ka soo qaatay dagaalladii Daraawiishta iyo halgankii gobannimaddoonka. Dulmadoobe wuxuu ka mid yahay goobihii dagaaleed ee uu ugu cadcaddaa oo isagu hormuudka ka ahaa. Halkaas, Ismaaciil Mire iyo ciidankii uu hoggaaminayay, waxay ku dileen taliyihii watay colka Ingiriiska, Koofil (Richard Corfield), 1913kii.

 

Wuxuu Gabaygani ka mid yahay maansooyinka sooyaalka (classic) ah ee Soomaaliyeed oo xigmadda iyo falsafadda ku qotama, kuwooda ugu culculus. Tixdu waxay xambaarsantahay dhacdooyin iyo qisooyin ka dhacay maansayahanku deegaankuu ku noolaa. Wuxuu tiriyey kaddib burburkii Daraawiish, isagoo waayadaa magaalo ku soo laabtay oo hoos yimid maammulkii iyo taliskii gumeysiga Ingiriiska.

 

Carab Cawaale Jaamac (Carab Dheere) oo ceelka Laascaanood Ingiriisku maammule uga dhigey, ayaa u sabab ahaa in Gabyaa Ismaaciil tixahan curiyo. Wuxuu Abwaanku arkay Saajin Carab Dheere oo awooddiisii si ba’an oo aad u foolxun oo si xad-dhaaf iyo xadgubba leh ugu tagrifalaya.

 

Wuxuu Gabyaagu yidhi:

 

Inkastuu kallaho ama kabtiyo, ama kur dheer fuulo

Bad kalluun ku jira kay ku tahay, amase koob shaaha;

Kulligood addoomaha Rabbow, qaybshay kibistiiye,

Nin waliba wixii loo katibay, waa la kulansiine,

Ninna inaanu soo korodhsanayn, kaa ha la ogaado!

 

Kufri iyo Islaam loo colloow, kaysihii hora’e;

Kaakici wadaadkii jahaad, laguna kaalmeeye,

Kumanyaal lag wada duubcad buu, keeney Beerdhiga’e,

Waxse kadabkii go’ay markii uu, kaday raggiisiiye

Kabaalkina wuxuu jabay kolkuu, kariyey Reer Kheyre,

Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!

 

Anaa dunida keligey leh buu, Koofil eersadaye

Kashiisaba ma gelin wiilal baa, keebka kuu qabane,

Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!

 

Kaysaha adduun Ina Ammaan, kama qarraacnayne

Ragba keeno geli buu is yidhi, waad u korraysaaye,

Isba kii arsaa’ilay ma hadin, kamana yaabayne,

Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!

 

Ninkii koob nimco ah fuuqsada, kadin irmaan maala

In karuurka uu qubo horey, Kaafka ugu tiille;

Kulligoodba Reer Hagar anaa, kiin ahaa dilaye

Kamma’ Sugulle waagii sidii, kuray carruureede

Kasxumaa waddaye naagta waa, kala fogaayeene,

Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!

 

Kuwuu Muxumud Waal raray hadduu, saanta uga kaadsho

Kulcad uma dileenoo ciyoon, koor ma geliyeene,

Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!

 

Afxakame karkabadii u aay, iyo kulaylkiiye

Ka dambee Caluu yidhi intuu, Kaaho guursadaye,

Kii kalena kaal weyn u tumey, karina waabaaye

Kalluun shebeg u yaal buu ahaa, kicina shayddaane,

Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!

 

Kelyo caano galeen baa ninkii, kiciyey dheeraaye;

Cartan dhuurta kooraha markuu, kor ugu laalaayay

Garaad Faarax dhay iyo karuur, kala macaanaaye,

Misna kala qadhaadhaa dhunkaal, kulanki goobeede,

Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!

 

Ammuuraha ma kaadsado ninkay, kado shidaysaaye;

Kalaamkuu lahaa Ina Gallaydh, kahay gadaalkiiye

Kaarkuba ma joogeen hadduu, keeno tuluddiiye,

Baallacad kelyaha kuma jareen, kii uu quudhsadaye,

Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!

 

Lixda koose Reer Cali Geree, kaw isaga siiyey

Kasiwaaye wuxu waa qabaal, waana kabannaaye,

Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!

 

Nin kuwaa ka dhigan baan arkaa, kadab u laabnayne;

Karraysaha intuu buuxsaday oo, kaman wan weyn yeeshey

Yuu niman karaamiyo colba leh, kiish ka buuxsadaye,

Ka shib dhaha Islaamow naftii, kii ladnaa gadaye!

 

Laga xigtey:

 

Somali Poetry, An Introduction

  1. W. Andrzejewski and I. M. Lewis

Oxford, At The Clarendon Press, 1964

 

Ismaaciil Mire

Axmed F. Cali “Idaajaa”

Xamar, 1974

 

Soof – Wargeys-biloodlaha Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida

Caddad, 03aad, Jannaayo, 1997kii

Helsinki, Finland

2 Responses to Ragow, Kibirka Waa Lagu kufaa!

  1. Pingback: www.coffeepursuit.com

  2. Pingback: Skrota bilen Göteborg