RAH [Sheekaxayawaannada Soomaalida]

Filed under: Important News,Sheekooyinka,Wararka |

Frog

RAH [Sheekaxayawaannada Soomaalida]

Waxaa la wariyay waa waayada ka mid ah, iyadoo jiilaal adag oo gaag-ma-reebaan ah lagu jiro, in Rah uu amaah qaatay. Wuxuu ballanqaaday in kolka la doogsado oo roobku da’o uu qaanbixi doono.

Goortay nimcadii Eebbe soo hoortay oo dhulku dhammaantii barwaaqo noqday ayaa, isagoo balli dabaaljoogleeynaya, ninkii qaanta ku lahaa u yimid. Markii uu deyntiisii weyddiistayna wuxuu Rahii ku warceliyey: “Xilligan aniga iyo tolkayba waxba nalama weyddiiyo, oo waannu wada waalannahay.” Halkii buu dabaashii ka sii qabsaday oo codkiisii lagu yiqiin xiriiriyey, “Waaq, waaq, waaq.”

Gugii dambe ayaa misana ninkii u yimid, hadduu deyntii weyddiistayna isla ereyadii buu ugu jawaabay.

“Rahu jiilaalka waa deyn doon, gugana waa waalanyahay oo waligii ma qaanbaxo”, baa la yidhi.

Tifaftiraha Puntland Observer