Ramadaan Mubaarag

Filed under: Aqoon-kororsi,Taqwada,Wararka |

Ceejis

Ramadaan Mubaarag

 

Cidna uurka cabashiyo

Cuqdad uguma qabannine,

Dad camashood ku kala maqan

Ma cafiyo Raxmaankuye,

Haddaan maalin caro iyo

Mar uun ciil ku baday adi

Ama aan hadal culays liyo

Erey cariiqsi kugu iri,

Waxaan kaa codsanayaa

Bil CIBAADO weeyee

Cafis uursamaad liyo

Niyadsami, cashiirooy!

 

Abwaan Cabdinuur A. F. Bootaan

Leicester, 15.05.2018