Roob-ka-daal

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

Roob+Roobwaa

Roob-ka-daal

Qaybta 3aad …

Sabti, 14kii Luulyo 2007dii, ayuu Raabbi telefoon ka heley rafiiqiisa London deggan, Rafle Carraale, qabanqaabiyaha roobdoonta. Wuxuu u sheegey in goorta ballanta roobdoontu tahay Jimcaha, bisha 20da, saacaddu markay tahay 20:00 (Siddeedda fiidnimo). Goobtu waa Masaajidka Qaaddiriyada ee Jaylaani, waddada uu ku yaallo waa 12 East Avenue. Maxaddada Underground-ka u dhow waa Walthamstow Central Station [Victoria Line]. Wuxuu kaloo Rafle raaciyey in boqol-ku-dhowaad qofood la filayo in ay ka kala yimaaddaan magaalooyinka waaweyn ee BM. Raabbi si kal iyo laab ah buu arrinkaas u soo dhoweeyey saaxiibkiisana wuu u mahadceliyey. Wuxuu ballanqaaday in, Eebbe Idankiis, uu ka soo qaybgeli doono.

Waa Jimce, waa maalintii ballanta. Afartii aroornimo ayuu Raabbi salaaddii subax u toosay. Wuu weesaystay oo tukaday. Roob baa da’ayay. Sahaydii uu sii qaadan lahaa ayuu diyaargareeystey. Wuxuu ku talaggalsanyahay in tuulada uu joogo bas ka raaco oo ku gaadho magaalada u dhow ee Cheltenham, dabadeed halkaas tareen tegeya London Paddington Station ka sii raaco. Jadwalka basasku goorta ay baxaan ayuu eegey. Wuxuu go’aansaday in uu raaco midka 12:05 duhurnimo baxaya, iskuna beego tareenka 13:07 Cheltenham ka tegeya oo London Paddington Station ku socda.

Roobkii waa sii xooggeeysanayay marba marka ka sii dambeeysey. Raabbi baskii ayuu ku soo dhacay oo dirqi ku soo gaadhay rugtii dhexe ee tareemmada ee magaalada Cheltenham. Goortii saacaddii dhoofka la gaadhay, ayaa shaqaalihii goobta ka shaqeeynayay dadweynihii rakaabka ahaa ku wargeliyeen in tareemmada London tegeya, roobka awgii, ay dib-u-dhac ku yimaaddeen. Qolkii sugitaanka ee rugta tareemmada ayuu Raabbi fadhiistey. Dadweyne fara badan oo rakaab ahaa ayaa halkaa fadhiyey. Goorba goorta ay ka dambeeysey dadku waa ka sii tiro badanayay. Dumar iyo dhallaankooda, dhallinyaro, habro iyo odayaalba halkii ayaa la soo gabraday. Kuraastii rakaabka loogu talaggalay ayaa ku fillaanwaayeen. Qaar istaaga, qaar gidaarka isku tiiriya, kuwo dhulka fadhiista, ayaa dadkii u qaybsamay. Waa dhammaadkii toddobaadka. Dadku badh tamashle ayuu u socday, badhka kalena shaqo. Badidooda dharkii ay xidhnaayeen ayaa ku soo wada qoyay.

Waa socotaa …

Maxamed Xasan “Alto”

London, 27.07.2007

xasan_maxamed@hotmail.com