Saaxiibkaa Lama Siro [Sheekooyinka Soomaalida]

Filed under: Important News,Sheekooyinka,Wararka |

Xasan Yacquub

Xasan Yacquub “Baabraqiis”

 

Saaxiibkaa Lama Siro [Sheekooyinka Soomaalida]

Laba wiil oo saaxiibbo ahaa ayaa waa waayada ka mid ah kiilo timir ah ay ka wada dhexeeysey. Mid wiilashii ka mid ahaa ayaa hunguri-xumo qaadday. Timirtii shuraakada lagu ahaa ayuu kelidii kob ku soo xaseeystey oo kaddib inankii labaad ee la socday u yimid oo ku yidhi: “Saaxiibow, timirtii waayay oo waa la xaday!”

“Haddii aad wayday oo la xaday, walaal, waxba ma aha. Eebbe ayaa risiq kale inoo sahli doona ee waxba ha ka welwelin,” ayuu inankii koowaad ku warceliyey. Wiil iimaan badan buu ahaa, dhacdada wax weynba kama soo qaadinnin.

Dabadeed inankii labaad ayaa aaday bartii uu timirta ku ogaa, si uu u cuno. Wuxuu u tegey oo uu indhihiisu arkeen timirtii oo barambaro isu rogtay.

‘Lillaahi iyo laqdabo meel ma wada galaan.’

Xasan Yacquub “Baabraqiis”