SALMON

Filed under: Aqoon-kororsi,Important News,MAANSOOYINKA,Wararka |

Cbdshkr Cali Nuur

Cabdishakuur Cali Nuur

 

SALMON

 

Maansadan magaceeda waxaa la yiraahdaa Salmon. Nin aan saaxiibnahay ayaa iga sheekeeyey arrin uu ka akhriyey wargeysyada Ingiriiska. Arrintu waxay ahayd kalluumeeysato Boqortooyada Midowdey [BM], gaar ahaan Reer Scotland, intay Norway tageen ayay dhowr haloo kalluunka Salmon oo qaaliga ah ka soo qaateen oo ku tarmiyeen deegaankooda. Dabadeed Norway oo ogaatay iyo dacwad culus oo halkaa ka billaabantay.

Wuxuu warkaa ku sii xiriirshey sida badda Soomaaliya lug-gelis u tahay oo aan loo kala lahayn. Waxaan garanwaayay saaxiibkay wax aan ugu jawaabo. Waayo isagu Soomaaliya way la nooshahay oo wuxuu u haystaa wax ummadaha jira la babardhigi karo. Aniguna aragti ka duwan ayay ila leedahay. Maasadan ayaad, akhristow, ka heli doontaa meesha ay ila tahay.

Sababtaa ayay Salmon ku timi, waxayna tidhi:

 

Saacidow waraabaa

Seben yidhi, “dad baan ahay”,

Waa la soo dhoweeyoo

Say looga dhigey gabadh.

 

Markii sooryo wacan iyo

Xeeryo subag leh la hordhigey,

Suu yidhi, “Sucaadeey,

Soortu maaha taydii”.

 

Illayn sayma-lagu-reeb

Waligii sed bisil iyo

Hilbo solan ma uu arag.

 

Saacid waa su’aale,

Sidee baa Sucaado

Bahal loola seexshey?

 

Aan ka sii jawaabee,

Si kaleeto maahee,

Soomaalay ka dhalatoo

Sinji kale hadday tahay

Seeraa u dhexeeyn laa

Suuyaday siyaarada

Isku soo sawirilayd.

 

Saacidow waraabe,

Mar kaleeto soo noqoy,

Isagoo sabaya yidhi:

“Anigu samaddoon iyo

Sayid aamminaan ahay.”

Soomaali waxay tidhi:

“Waa sidii la rabaye

Saabuun bal sii hay,

Ilaa iyo salaaddii!”

 

Waa siduu ahaaye,

Saabuun candhada goo

Sebigii faruur jar.

 

Subixii baa lagu yidhi:

“Samaddoon bal sooddaa!”

“Samaddoonba maahiye,

Sidee bay u nuugtaa,

Maxay-se ka nuugtaa?”

Ku salaan dadkii yimi.

 

Waa su’aal kaleetee,

Sidee bahal loogu dhiibey?

 

Aan ka sii jawaabee,

Soomaalaa u curatay

Oo salfudeed ku caan ah,

Iyagoo sabool ah

Sidkahooda oo dhalay

Saamiga ay lahaayeen

Sahal isu seejaan.

 

Saacidow sidoo kale,

Inan yare silloonoo

Sina looga roonyahay

Soof adhi la joogtaa

Saani-xumi ku soo baxay.

Wuxuu yidhi: “Sareedooy!

Naas siinad wacan baa

Sadrigaaga saarane.”

’Soco!’ buu sugaayaye

Say tidhi, silloontii:

”Kanna waa sidiisa.”

 

Soomaalaa sidaas ahe,

Saariq dibed-wareeg ah

Saaqid soo habaabay,

Sedkoodii aasnaa

Sirahoodii duugnaa

Inta ay u saafaan

Oo sarta uga saaran

U kala sifeeyaan

Senti li’i ku qaataan.

 

Adiguna sidaa tiri,

Saddexdii Salmoonoo

Noorweejka laga sirey

Ingiriisku soo xaday

Sawaxankii ka daba yimi

Salowgii ka yeerey,

Dawlado isku seegeen

Wixii duunyo laga simay,

Wixii salliyo badan iyo

Gogol la soo fariistay,

Wixii sadarro adag iyo

Shuruuc waarta laga qoray.

 

Si yar waxaad u eegtey

Sinjigaad u dhalatiyo

Wixii laga salfaday maal,

Wixii samagyo laga dhacay

Sinnaba laysu weyddiin,

Waxaad yare saluugtay

Noorweejkaa saas ah

Soomaalidaa sidaa ah.

 

In sabo dusheed iyo

Duni keliya joogaan

Bal salmoon ha joogee,

Dad bay bahallo siiyaan.

 

Si kaleeto maahee,

Markay saaqideen oo

Saawiyadii noloshiyo

Dawladnimadii seegeen,

Yaa soone xiran iyo

Siibad lagu xereeyey

Sakan looga yeeley.

 

Kuwii siligga geliyey

Markay soo dhexqaadaan,

Sidaanu maxay tahay?

Su’aashuba ma joogto,

Sariiraha la safayee

Oo kala sarreeyee

Midka hoose leeyahay.

 

’Sidee iiga sare maray,

Midka iga sarreeyaa?’

Seedaha isu haystaan

Isu silic dilaayaan.

 

Sooc kale sidoodaba;

Saar waxay yiraahdaan,

Saddexdaa qol noo goo!

Sababtuna maxay tahay?

Sariiraha dhexyaalla

Saan u kala sarreeynnoo

Waa sameeyn karaynnaa.

 

Soorta aad sameeyso

Markaad soo dhoweeyso

Saa u cuni karaynnaa,

Si loo faraxashtaana

Waa sigi karaynnaa

Saxaro wayska xiirnaa,

Siligganu muxuu yahay,

Sidee uga baxaynnaa,

Oo sidan u dhaannaa?

Su’aashu ma taagna.

 

Sida ay arrini tahay

Anigu saaka kuu saray

Iyana saaddambay garan.

 

Cabdishakuur Cali Nuur