Saranseer

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

GOBAAD

Saranseer

Nin reer Mudug ah oo Saranseer ku magacdheeraa, ayaa la sheegey in xaaskiisa ay aad u dhibi jirtey oo harsi iyo hoyaad u diiddey. Intuu xaafadda ku suganyahay, wuxuu oridiisa kala kulmi jirey canaan, aflaggaaddo, qaylo, daryeelxumo, cuntoxumo, nasiinola’aan iyo jiifxumo. Hase ahaatee, intuu guriga ka maqanyahay ayuu afadiisa ka nafisaa oo lurka iyo walbahaarku ka haraan. Kolkuu xaafadda ku sii socdo oo uu sii hoyanayo ayuu, xaajada ka horreeysa ee uu la kulmi doono, ka sii walaacaa oo maxaad, sideed iyo xaggeed caawa kaga ammaan heshaa is-weyddiiyaa.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu masjidkii xaafadda ku dhowaa soo galay oo salaaddii Casar ku tukaday. Kaddib baa shiikh muxaadarad la xiriirta dhanka aakhiro halkaa ka jeedinayay wax ka dhegeystey. Shiikhii wuxuu yidhi: ”Ragga Ahlu-Jannada ah qasri weyn ayaa la siiyaa. Isagoo malaa’igi galbinayso ayaa markuu is yiraahdo ’gal qasriga’ arkaa hablo Xuurul Cayn ah oo kala nooc-nooc ah. Kolkuu is yiraahdo Xuurul Caynta dhankooda tag, baa lagu odhanayaa, ’maya kuwan waa shaqaalahaaga, kuwo ka sii wacan ayaa kuu haray ee qaybta kore tag’. Markuu xagga loo tilmaamay u ruqaansado ayuu mar kale qaar Xuurul Cayn ah oo kuwii hore ka sii qurux badan arkaa. Kol labaad ayaa la odhanayaa, ’maya kuwan qaar kaloo ka sii wanaagsan ayaynnu kuu haynnaa oo aad iska leedahay, dusha sii aad’.”

Saranseer oo wali hadalkii shiikha u dhegtaagaya oo u sii qushuucsan oo ku haya, ’tolow maxaa xigi oo uu odhan doonaa’, ayuu shiikhii gebaggebadii yidhi: ”Qolalka midka ugu dambeeya ayaad galaysaayoo waxaad ugu tegeysaa xaaskaagii adduunka oo sariirtii jiifka kugu dhawraysa”.

Ninkii oo caraysan baa inta uu sarajoogsaday yidhi: ”Shiikhow, Xadiiskan aad carrabbaabtay muran baa ka jira’e, innaga hubi in uu daciif yahay iyo in kale”.

Gobaad Cumar Guuleed

London, 08.02.2018