Say iyo Oridiisa

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

Holding Hands

Say iyo Oridiisa

”Alla Maxamedow, maxaan idin jeclahay, adiga iyo afadaada Xaali! Muddo toban sannadood ah kolkaan indhaha idin saaraba, waxaan arkaa idinkoo gacmaha is-haysta oo mushmushaaxaya oo shacni iyo qurux idin ka muuqata. Eebbe, ha idiin kordhiyo!” Xaliimo oo lammaanaha muddo dheer garanaysay ayaa si niyadi ku dheehantahay ereyadaa dhiirragelinta leh ku tidhi.

Maxamed baa u jawaaboo yidhi: “Xaliimooy, haddaannan xaaskayga Xaali habeen iyo dharaar aanan sidaa gacanta u haynnin, xisaabteeda iyo xasaraddeeda ayaa badnaan lahayd.”

Gobaad Cumar Guuleed

London, 05.03.2018