Sengood Aad U Tabaraystay

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,MAANSOOYINKA,Wararka |

Cismaan Keenadiid

Sengood Aad U Tabaraystay

Tafaraaruqa kuwii innagu ridey, toodi suubsade’e
Taws aan baxayn iyo bugtay, nagu tallaaleene
Tubtii innaga leexshiyo jidkii, innagu toosnaaye.

Tashigiiba sida loo gafaan, wali tebaayaaye
Tawfiiq ma noqon wiilashii, taajka loo xiraye

Tacaddi aan yarayn baa ka dhacay, tay ku kacayeene.

Ninkii tiro yar maalkiisa waa, laga takooraaye
Maraykaanku nagu taagan baa, taabay jahadiiye
Amxaarana tahdiid iyo waxay, tiri naloo sheegye.

Cadowga soo tartamayiyo cabsida, loo tawalay ruuxa
Laye tamashle keliyay hayaan, tiilka madaxdiiye
Dawladnimo tabtaa lagu dhaqaa, tacaddi sow maaha?
Cismaan Yuusuf Keenadiid

Muqdisho, 1956