Siciid Saaweel iyo Muun Xaad

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

Boqor & Boqorad

Siciid Saaweel iyo Muun Xaad

Waxaa jiri jirey say iyo ooridiisa. Siciid Saaweel iyo Muun Xaad ayaa la kala oran jirey. Boqor ayuu Siciid Saaweel ahaa. Wuxuu xukumi jirey meesha lagu magacaabo Karin Boosaasood iyo dhulka ku dhowdhow. Boqorad ayay Muun Xaad ahayd. Waxay xukumi jirtey meesha lagu magacaabo Karin Ceelgaal iyo inta u ogog leh.

Siciid Saaweel iyo Muun Xaad xilliga Guga waxay isugu iman jireen Karin Boosaasood, Dayrtana waxay isugu iman jireen Karin Ceelgaal. Waayo, labadaas meelood baa mid Guga ayuu roobku ka da’aa midna Dayrta.

Gartooda ayaa socon jirtey oo waa loo kala garniqi jirey xilliyada ay wada joogaan. Labada xilliyoo kale, Xagaaga iyo Jiilaalka, oo ay kala maqan yihiin waxaa dhex mari jirtey dagaallo badan. Kolkay isu yimaadaan ayaa dhibaatooyinkii ay isu geeysteen teer iyo intay kala maqnaayeen looga garniqi jirey. Inkastoo Siciid Saaweel iyo Muun Xaad ay aad xagga dagaallada isugu xumaan jireen, haddana waxay heshiis ku ahaayeen inay canshuuraha ka qaadaan safarrada iyo xoolaha ka kala dhex goosha soohdimmaha xukunkoodu ka jiro.

Gartooda waxaa had iyo jeer garsoore ka ahaa nin garyaqaan ah. Ninkii markuu in badan Siciid Saaweel iyo Muun Xaad gartoodii hayay, hase ahaatee uu dareemey in gartoodii hadba soo noqnoqonayso ayaa laga hayaa in uu yiri: “Ilaahii Siciid Saaweel iyo Muun Xaad isu geeyoow, Adigu kala saar!

Muuse Cumar Islaan

Muqdisho, 1973