Siyaasi iyo Sirmaqabe

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Sheekooyinka,Wararka |

GOBAAD

Siyaasi iyo Sirmaqabe

Sirmaqabe xogdoon ah oo aad uga xun xaaladda uu muddada dheer ku soo jirey, ayaa Siyaasi xilli kasta uu xilka u dhiibto weyddiiyey: “Maxaa horta kii aan xushaa xaasid iigu noqdaa? Waayo uu xatooyo, xaalufin iyo xaabqaadnimo xirfad uga dhigtaa?”

Siyaasigii baa damcay in uu Sirmaqabe samirsiiyo: “Sababtu, saaxiib, xaggaaga weeye halkay eeddu taallaa. Xulkaaga ayaa aad u xun oo aan xadhig isku xidhi karinnin.”

Sirmaqabe ayaa jawaabay oo yidhi: “Maanshe Gobaad af-labadii yeedhey oo is-ciilkaambisey. Waa ii doorkan soo socda iyo wixii aan ka yeelaa.”

Gobaad Cumar Guuleed

London, 01.03.2018