Socdaalka Lataliyaha DQPF

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Socdaalka Lataliyaha DQPF

Lataliyaha Dalladda Qurbajoogta Puntland ee Finland [DQPF], Inj. Haashin Xaaji Axmed Xirsi, isla markaana ah ganacsade shirkad dalka Turkiga ku leh, ayaa beryahan socdaal hawleed ku jooga caasimadda Dawladda Puntland, Garoowe.

Mudane Haashin Xaaji ayaa maanta booqasho salaan iyo xogwaraysi ugu tagay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ah isimmada soojireenka ah ee ugu magaca dheer mandaqadda.

ISLAAN CIISE + HAASHIN

Lataliyaha ayaa Islaanka la wadaagay xogaha iyo dadaalka qurbajoogta Reer PL ay dibedaha ka wadaan, gaar ahaan dalladda DQPF iyo sidoo kale PEDAN oo ah isku xiraha jaaliyadaha reer Puntland ee Yurub.

Islaanka ayaa aad u soo dhoweeyey dadaallada ay wadaan qurbajoogta reer PL, wuxuuna ugu baaqay midnimo iyo wax wada qabsi iyo sidii dalkooda ugu xidhnaan lahaayeen. Sidoo kale Islaanka iyo Inj. Haashin ayaa iska warraystay xaaladaha guud ee siyaasadeed, dhaqaaleed iyo bulshadeed ka jira Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan.

 

Tifaftiraha Puntlandobserver

 

5 Responses to Socdaalka Lataliyaha DQPF