Wiil iyo Wiil-Waal

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

Somali Traditional Dressing

Wiil iyo Wiil-Waal

Waxaa la sheegey in uu jirey wiil Wiil-Waal abti u yahay. Wiilkii kolkuu koray oo qaangaadhay ayaa abtigii loo wariyey in inankii walaashii dhashay uu doqon yahay.

Wiil-Waal oo ahaa geesi faan jecel ayaa warkaa loo soo sheegey qaadan kariwaayay. Waayo wuxuu rumaysnaa in qof isaga ku cad lihi aanu doqon noqon karayn.

Maalintii dambe, wiilkii Wiil-Waal uu abtiga u ahaa oo faras ku jooga ayaa u ambabbaxay in uu abtigiis soo booqdo. Wiil-Waal oo u dhoof ah in inanka ay walaashiis dhashay oo looga soo war xumeeyey in uu soo arko, ayaa labadoodii waddada isaga hor yimid.

Kaddib kolkii lay bariidiyeen ayaa Wiil-Wiil oo wiilka imtixaamaya ku yiri:

“Xoolo maxaad ka timid?

Xarrago maxaad ka timid?

Xurquun maxaad ka timid?

Xaas maxaad ka timid?

Xilna maxaad ka timid?”

Wuxuu inankii ku jawaabay:

“Xoolo 200 (laba boqol) oo halaad baan ka imid.

Xarrago 100 (boqol) faras baan ka imid.

Xurquun 300 (saddex boqol) oo ido ah baan ka imid.

Xaas 400 (afar boqol) oo riyo ah baan ka imid.

Xilna xididkay baan la degganahay.”

Wiilkii goortuu su’aalaha abtigiis sidaas uga jawaabay, baa Wiil-Waal inta qoslay yiri: “Maandhow, doqon bay kugu sheegeen mase tihid.”

“Geel xoolo wuu yahay, ama duud (hawd) ku qari ama duul ku qari!

Fardo xarrago way yihiin, ama ku joog ama ka joog, cayaar-fuulse ka ogow!

Ido xurquun way yihiin, dooxa la ogow, Dayr dhalna ka ogow!

Riyo xaas way yihiin, jeex ay ku foofaan iyo jeex ay ka hoydaan, la ogow!

Xididna inuu isu soo xiisoodo buu ku wacan yahaye, ka fogow!

 

Qore: Muuse Cumar Islaan

Muqdisho, 1973