Xiriirka Nabadda iyo Ganacsiga

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Wararka |

Yaasiin VII

Xiriirka Nabadda iyo Ganacsiga

Nabad la’aani waa ganacsi la’aan. [No peace, no business]

Guulaha horumarka leh ee dalalku gaaraan waxaa sal u ah iskaashiga iyo is-afgarashada xukuummadaha iyo shacabkooda, kuwaasoo si wadajir leh isaga kaashata xaqiijinta hadafyada horumarka. Sidaa darteed, waxa muhim ah in xukuummaduhu kasbadaan kalsoonida shacabkooda.

Gobolka Bariga Afrika, gaar ahaan Kiinya iyo Itoobiya, baaxadda xiriirka ganacsi dunida la leeyahay aad buu uga ballaaran yahay kan Soomaaliya. Soomaaliya badeecadaha dibedda u dhoofiso, haba u badnaadaan xoolaha iyo kalluunka, sannadkii waxa ka soo gasha lacag nus bilyan US$ ah. Badeecadaha ay soo dejiso waxay ku fadhiyaan lacag qiimaheedu afar jeer jibaar ka badantahay intay dhoofiso. Taa weeye waxa Soomaaliya u keenay sicir bararka iyo qiimabbeelka Shilin Soomaaliga [Sh.So.].

Shirkadaha caalamiga ah ayaa muhiimad weyn siiya suuqyada Kiinya iyo Itoobiya oo uu ganacsi xooggan ka jiro. Waxay haystaan amni xooggan. Gobol ay xasaradi ka jirto sharciyo maalgashi oo fiican kama jiraan. Xiriirrada dibedeed ee dalalkaas leeyahay oo xasilloon iyo kaabayaasha dhaqaale oo u diyaarsan. Taasi waxay u horseeddey koboc ganacsi iyo in shisheeyaha oo maalgashada.

Shiinaha ayaa maalgashanaya Bariga Afrika oo dhowaanahan kordhayso muhiimadda dhaqaale gobolku dunida u leeyahay. Maaddaama batrool badan ku jiro gaar ahaan badda Soomaaliya oo ah tan Afrika ugu dhererka badan.

Madaxda la doorto ayaa badbaadada iyo baraaraha muwaadiniinta waajib ka saaranyahay. Kiinya waxay gidaar ka dhisaysaa xuduudda koofureed ee Soomaaliya, si ay ammaankeeda u sugto. Middan ayaa caqab hor leh ku ah ganacsiga labada dal, inkastoo amnixumo ka jirto.

Ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka ayaa joogsada gudaha Soomaaliya xilliyada colaadaha jiraan. Tusaale: colaadihii magaalada Gaalkacyo oo ah xarun ganacsi muhim ah, kulmisa suuqyo kala duwan Puntland, Koonfurta, Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Soomaaliland.

Ganacsiga dan weyn baa ugu jirta nabad waarta. Waxaa waddooyinka laga sifeeyn dhulka miinooyinkii lagu aasay xilliyadii colaaduhu jireen, kuwaas oo khatar ku ah gaadiidka, reer guuraaga xoolahooda, duurjoogta kale iyo deegaankaba.

Odhaah baa jirta oranaysa, ’ha sii haysan mindi kaa siibanaysa’ (never touch a falling knife). Haddaynnu ganacsiga ka soo qaadanno, waxaa ganacsiga soo jiita, la maalgashadaa, dhaqaaluhu ku kobcaa keliya waa goobta nabadda ah.

Laga soo billaabo waqtigii uu noolaa Aristotle, dhowr kun oo sannadood ka hor ilaa iyo maanta, waxaan wali isbeddelin aragtida indheergaradka ganacsiga ka qabaan. Waxay tilmaamaan oo u arkaan in ka koobanyahay, danaysi, lacag jacayl, iwm.

Shirkadaha dawooyinka soo saara ama iibiya bilaash maahan dawooyinkooda. Qiimo bay joogtaa aysan danyartu gooyn karin. Sidaa darteed, waxaa lagammamaarmaan ah in xukuummaduhu soo faraggeliyaan, maadaama ganacsigu awoodi karin in dawada bilaash ka dhigaan ama si kale u shaqeeyaan waa in xukuummaduhu oo u taagan danta guud ay kharashka caafimaad ee muwaadiniinta bixiyaan. Sidoo kale dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha waa ka weyn yahay awoodda shirkado gaar loo leeyahay iyo bulshada waxa ah iyana in xukuumaduhu soo faraggeliyaan oo iyagu dhisaan kaabayaasha (kharashka bixiyaan).

Yaasiin Cabdullaahi Faash

Kassel, Jarmalka, 22.01.2018