141 Xildhibaan ayaa diiday in Ra’iisul Wasaare Saacid uu hor yimaado Baarlamaanka

Filed under: Wararka |

Waxaa Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya si toos ah ugu socda ka doodista Mowshinka ay Xildhibaanada qaar ka keeneen Xukuumada uu Hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, waxana saacadihii ugu danbeeyay doodii maanta lagu balan sanaa hareereyay codsi ka yimid Ra’iisul Wasare Sacid, kaasi oo ahaa in uu hor yimado Baarlamaanka si uu isaga difaaco eedeymaha ay usoo jeediyeen xildhibaanada Mowshinka ka keenay.

Inkastoo Xildhibaanada ay ku kala fikir duwanaayeen codsiga ka yimid Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa waxa uu Guddoonka Baarlamaanka soo jeediyay in cod loo qaado codsigaasi, waxa ayna codkii loo qaaday in Ra’iisul Wasaare Sacid uu hor imaan karo Baarlamaanka si uu isaga difaaco eedeymaha loo jeedinayo, iyo inkale u dhacay sida tan:

141-Xildhibaan ayaa diiday in Ra’iisul Wasaare Saacid uu hor yimaado Baarlamaanka.
7-Xildhibaan ay ogolaadeen inuu hor yimaado Baarlamaanka si uu isku difaaco.
8-Xildhibaan ayaa ka aamusay, cod bixintaasi.
75-Xildhibaan ayaa iyagu diiday in ay cod bixintaan ka qeyb galaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaaraha uusan imaan karin Baarlamaanka Soomaaliya lana sii wado dooda ku aadan mooshinka, maadaama tirada diiday in la aqbalo codsigii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in uu hor yimaado Baarlamaanka ay bateen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Guddoonka Baarlamaanka ka dalbaday inuu tago xarunta Golaha shacabka si uu isaga difaaco eedeymaha ay ujeedinayaan Xildhibaanada mooshinka ka keenay.