Xalka Dhalinta Soomaaliyeed Ee Minnesota: ‘Waa In La Helo Xarun Soomaalida U Gaara’

Filed under: Wararka |

Xalka Dhalinta Soomaaliyeed Ee Minnesota: ‘Waa In La Helo Xarun Soomaalida U Gaara’

Waxaan ka qaybgalay shir lagu martiqaaday qaar ka mida ha’adaha nabad-sugida, ee magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota. Waxaa ka hadlay halkaa masuuliyiin ka socota ha’adaha nabadsugida iyo qaar ka mida hogaamiyaasha jaaliyada gobolka Minnesota.

Waxaa halkaa ka hadlay, Mohamud Noor, oo ah madaxa cusub ee hay’ada loo yaqaan ‘ Confederation of Somali Community in Minnesota’, waxuu ka codsey in lagu garab istaago sidii loo heli lahaa, xarun u gaara jaaliyada Soomaaliyeed. Noor ayaa aaminsan in arintaan tahay mid wax wayn ka badeli doonta dhalaanka iyo dhalinta ku habowda xarumaha ay caruurta ku cayaaraan, madaama aysan helin dhaqan celin ku salaysan dhaqanka Soomaaliyeed maadaama uu nagu cusub yahay dhaqanka wadanka aan degan nahay.

Waxaa sidoo kale halkaa ka hadashay, hooyo ka mida hooyooyinka xaafada Cedar-Riverside degan, waxay halkaa ka xustey qiso ka raacday xarumaha iyo xaafada ay degan tahay. Qisada xanuunka badan, oo ku dhacday mid ka mid ah wiilasheeda, kaasoo ay sheegtey in ay ku booqatey 16 xabsi oo gobolka Minnesota ku yaal. Waxayna intaa ku dartey, in wiilkaas ugu danbayntii ay ka codsatey dowlada Wadanka Maraykanka in loogu celiyo Africa. Waxay sheegtey in wiilkaas hada uu ku nool Africa, uuna ka nolol xiligii uu gobolka Minnesota joogay, markastana uu uga mahad celiyo hooyadiis go’aankeedii adkaa oo ay ku gaartey in Afrinca loogu celiyo.

Waxyaabaha loo badinaayo in caruurta Cedar-Riverside dhumiyey ayaa u badan caqabado badan oo ay waalidiinta halkaa degan soo food saartey. Tusaalena waxaa u ah in xaafadaan, gaar ahaan, meesha ay ka degan yihiin dadka Soomaalida, ee loo yaqaano, Cedar-Riverside, waxaa lagu qiyaasaa dadka ku nool ilaa dhor-kun. Dadka meesha u badan waa qoysas, qoys kastana uu haysto ilaa iyo dhor caruur ah. Xaafada waxaa ku yaal xarunta loo yaqan: Brain Coyle Center. Waxuu center-ka leeyahay ama agagaarkiisa ku yaala: meel Basket-Ballka lagu cayaaro, oo dhismaha gudahiisa ku yaal. Waxaa sidoo kale ku yaal meel Basket-Balka lagu cayaaro, oo iyadana banaanka ku taala iyo garoon kubada cagta oo isna dad xaafado kale degan la qaybsadaan.

Mar uu Mohamud Noor xusey isdedelka uu ku sameeyey hay’ada ‘ Confederation of Somali Community in Minnesota’, ilaa iyo intii uu xilkeeda qabtey – waxaa uu yiri “waxaan rajaynayaa in ay noqoto mid ay dhab ka tahay hor u marinta dhaqanka, dhaqaalaha iyo wac-gelinta jaaliyada”. Waxay hadaladiisa laga dareemayey dareenka danaha jaaliyada iyo in ay hay’adu noqoto mida ay dhab ka tahay masuuliyada ka saaran danaha guud iyo kan gaarka ee Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli jaaliyada Soomaalida hor u markeeda hor taagan dad magaceeda ku shaqaysta, oo midkiiba intaas oo hay’adood, oo waxay ay qabtaan aan la garanayn leh. Hadii aad fiiriso qoymiyada kale, ee Soomaalida la degan gobolkaan, waxa ay leeyihiin hal hay’ada oo magaca qoymiyadooda ku shaqaysa. Tusaale waxaa kugu filan, dadka loo yaqaan Humong-ka, ee ka soo jeeda wadanka loo yaqaan Laos, waxay leeyihiin hal hay’ad, una fadhida gobolada dalka Maraykanka oo dhan. Sidoo kale, dadka ka yimi wadamada Latin America, waxay ay leeyihiin hal hay’ada oo u gaaraa, isla markaana midaysa.

Waxay ila tahay in Mohamud Noor iyo hay’ada Soomaaliyeed ee uu madax ka yahay ‘ Confederation of Somali Community in Minnesota’, ay noqon karto dalada midaysa hay’adaha boqolaalka kor u dhaafay, ee ka jira gobolka Minnesota, si loo helo dhismo u gaarka jaaliyada Soomaaliyeed, dhalinteena soo koreysana u noqota meel ay cayaaraan, kagana badbaadaan dhaqan xumida.

Waxaa soo direy: Mohamed Barre – Junlay ‘Buluf’, qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com