Madaxa Haya’adda Xuquuqul Insaanka Ee Puntland ‘Kulamadiisii Alexandria Iyo Minneapolis, MN’ – Video & Sawiro

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Madaxa Haya’adda Xuquuqul Insaanka Ee Puntland ‘Kulamadiisii Alexandria Iyo Minneapolis, MN’ – Daawo Sawiro iyo Video-yaha.

Mudane Mohamed Yusuf Ali ayaa waxaa lagu martiqaaday in uu ka qaybgalo bandhiga dhaqanka Soomaalida ee lagu qabtey Magaalada Alexandria, ee gobolka MN. Isagoo la kulmay waxgaradka, macalimiinta Alexandria Community and Technical College iyo Mayor-ada magaaladaas oo ka mida xisbiga mayalka adag, ee Republic-kaanka, kuna dooda in ay iyagu yihiin urur majarahiisu ku salaysan yahay fikirka ‘conservative-ka’.

Mayor Sara Carlson waxay si niyad furan ugu sheegtay in ay ku faraxsantahay in ay la kulanto hogaan sare, kana yimid dalka dibadisa. Mudane Mohamed Yusuf Ali oo noqday qof madax ah qofkii ugu horeeyey ee booqasho magaalada Alexandria ku yimaada.Waxay intaa ku dartey in ay jeceshahay in ay Soomaalida soo degto magaaladeeda madaama sida bandhiga ku cad, sida ay maqashay, ay Soomaalidu yihiin dad shaqaysta. Mayor-ada waxay warbixin ka siisey mudane M. Y. Ali sida hogaamiyaasha, waxgaradka, iyo gacansatada magaaladooda u shaqeeyaan madaama ay tartan kula jiraan magaalooyinka mataanaha, ee Minneapolis iyo St. Paul, oo ah halka Soomaalida degan gobolka Minnesota ay ku badan yihiin.

Mudane M. Y. Ali waxaa uu la kulmay ku xigeenka madaxa Alexandria Technical and Community College, kaasoo ku soo dhaweey iskuulka madaama uu iskuulka ahaa midkii ka danbeeyey qabanqaabada bandhig sawireedka ee dhaqanka Soomaalida, kaasoo uu soo bandhigay – sawirqaade: Mohamed Barre. Kuxigeenka madaxa community college-ka ayaa intaa ku daray in uu mustaqbalka ay ka go’an tahay in ay ka wada hadlaan in si ay u wada shaqayn lahaayeen, isla markaana u yeelan lahaayeen iskaashi dhinaca waxbarashada ku salaysan.

Booqashadii Alexandria ka dib, mudane Mohamed Y. Ali waxaa uu ku soo noqday magaalooyinka mataanaha, halkaasoo uu kula kulmay jaaliyada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana jaaliyada reer Puntland. Madal kasta oo uu mudane M. Y. Ali ka hadlay, waxaa uu dhamaan jaaliyada xasuusiyey in ay la shaqeeyaan haya’addaha dalka madaama uu dalku u baahan yahay dad aqoon leh, oo dib u dhiskiisa ka qaybqaata.

Mudane M. Y. Ali waxaa uu sidoo kale la kulmay madax laga soo doorto degaanka ay Soomaalida ku badan tahay, oo uu ka mid yahay Abdiwarsame, oo isagu ah, qofkii labaad ee xil dowladeed ka qabta Minneapolis iyo kuwo la magaacabayba. Waxaase xusid mudan in markii uu ka hadlay Puntland iyo hor u markeeda, ayaa qaar ka mida madaxda gobolka Minnesota qaarkood ay sheegeen in aan hore loola socodsiin amaba aysan war iyo wacaal u hayn Puntland iyo xaaladeeda. Waxaase is waydiin leh, maxay ula madaxda reer Puntland ee booqashada ku yimi gobolka Minnesota ula socodsiin waayeen madaxda MN in in Puntland State yahay mid leh: nadhaam iyo nabadgelyo leh?

Ugu danbayn, mudane Mohamed Y. Ali waxaa uu la kulmay ninka u qaabilsan gobolka Minnesota Human Right-ka, waxuu aad ugu farxay in M. Y. Ali yahay qof doorasho ku yimid, halka asigu uu magacaabay Governor-ka gobolka MN. Waxay ka wada hadleen sida ay suurto gel ku noqon karto in ay yeeshaan wada shaqayn ku salaysan iskaashiga xaga macluumaadka.

Sidoo kale, mudane M. Y. Ali ayaa waxaa uu la kulmay madax haya’adda University of Minnesota Human Rights Center – Kiriti oo ah qof la shaqaysa jaamacadaha MN, ahna jaamacad si aad ah uga muuqata dalka Maraykanka. Kristi iyo haya’addaasoo xuquuqul insaaniga ee jaamacad Minnesota [U of M Human Rights Center] ayaa balanqaadey in si hagar la’aan ah ay ula shaqayn doonaan Puntland Human Rights Defender iyo madaxa haya’adda M. Y. Ali, iyadoo cadaysay in aysan hore wax xariira ula lahayn Puntland State. Inkastoo aan heshiis hoose la kala saxiixan weli, waxaase la isku afgartey in uu kulankaan uu ahaado mid daahfur ah, mustaqbalkana u fura wadahadal la xariira iskaashiga Puntland State, Soomaaliya iyo University of Minnesota Human Rights Center.

Waxaa soo koobay: Mohamed Barre – Junlay [GOBDOON], qoraa madaxbanaan, degana magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com