SHIRKII 5aad ee QurboJoogta Reer Kismaayooodka ee Minneapolis Iyo Soo Dhawayntii Yasin M. Yusuf (Karani).

Filed under: Articles,Wararka |

SHIRKII 5aad ee QurboJoogta Reer Kismaayooodka ee Minneapolis Iyo Soo Dhawayntii Yasin M. Yusuf (Karani).

PHOTO | unknown. www.puntlandobserver.com – your gate way of Somali news around the world

PHOTO | unknown.
www.puntlandobserver.com – your gate way of Somali news around the world

Shirkaan sanadlaha ah, oo ay isku yimaadaan REER KISMAAYOODKA hore, ayaa waxaa sidoo kale lagu maamusey booqashada iyo soo dhawaynta Yasin Mohamoud Yusuf (Karani). Yaasiin oo ka mida ah hogaamiyaasha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden. Yaasiin Karani oo macalim ka ah mid ka mida dugsigayada dalka Sweden, ayaa waxaa uu ugu danbayntii xasuusiyey QurboJoogta REER Kismaayoodka sidii ay gaar ahaan Gobolkooda wax ugu qaban lahaayeen, guud ahaan waxa uu ka hadlay jaaliyada REER KISMAAYOODKA, meel kasta oo ay aduunka ka joogaan, sidii ay u samayn lahaayeen wada shaqayn joogta ah iyo ka warhaynta magaaladooda.

Go’aanka ugu wayn ee shirka ka soo baxay waxaa uu ahaa in la sii wado caadadda magaalada kaas oo ku salaysnaan jiray in laga fogaado qabiilka iyo is kala qaybinta ku dhisan qabyaalaya. Waxaa uu xusay in aysan hilmaamin magaaladooda iyo soo celinta caaddoodii ahayd in ay tahay magaalada labaad ee laga heli karo dad Soomaaliyeed oo isku dhaf ah, qabiilkana uu yahay mid aan macno ku lahayn mustaqbalkooda.

Shirkan oo ah shirka kaliya, ee ka dhaca magaalada Soomaalida ku badan tahay ee Minneapolis, MN, oo uusan ku lug lahayn JIFO ama QABIIL kali ah, maadama REER Kismaayoodka Asalootiga ee ka soo qaybgala shirkan ay yihiin dad ka soo jeeda dhamaan QABAAILADA dega magaalada ama Gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay dad magac ku leh magaalada Kismaayo, iyo hogamiya-yaasha jaaliyada REER kismaayoodka, ee isugu jira yar iyo waynba. Shirka waxaa daadihinaayey Aden Ugas Boqow (Aden Gordon). Dadkii kale ee ka hadlay halkaa oo uu ku jiray Xaaji Ismael Warsame oo ahaa xildhibaankii laga doortey, una mataleyey magaalada Kismaayo sanadahii 1964 ilaa 1968kii iyo macalinka wayn ee Kubada cagta, ahna Tabarahii Kooxda Kubada Cagta, ee Gobolka Jubbada Hoose, Macalin Abdulkadir Qariidi iyo Abirahman Sheikh Mursal oo sadexdooduba xasuusiyey dadkii meesha isku yimid in laga fogaado QABIILKA madaama uusan ahay mid caado u ah REER KISMAAYOODKA.

Sidoo kale, qaar ka mida dadkii shirka ka soo qaybgalay ayaa rajaynaya in Shirka Jan 1, 2016ka ee lagu qabandoono Magaaladooda Kismaayo uu noqdo mid dhaliya is afgarad taariikhi ah, oo ay u aayaan jiilka soo socda.

Hoos ka aqriso dhamaan dadkii shirka ka hadlay, kana daawo page-ka sawirada dadkii shirka ka soo qaybgalay:

Ayadaha Qur’aanka waxaa ku furaaya: Sheikh Abshir Muse ‘BIDE.
XAAJI Ismael Warsame oo ah Xildhibiaankii Kismaayo laga doortey 1964kii
Abdiraham Sheikh Mursal (Ka tirsanaan jiray shaqaalahii Wasaarada warfaafinta)
Ma’alim Abdulkadir Qariidi
Aden Ugaas Boqow (Aden Gordon)
Abdulkadir Shalaqbeen
Muse Awshan
Mohamed Barre JUNLAY
Abdirashid Muse Riva
Mohamud Abshir (Mohamoud Yare)
Abdirahiim Ahmed Yare (Shiino)
Yaasiin Mohamoud Yusuf (Karaani)

Waxaa idiin soo direy qoraalka iyo sawirada: Mohamed Barre (Junlay), oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana Magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com.