50-kii Million$ Ee Sacuudi Carabiya Xasan Sh Ku Siisay In Uu Xiriirka U Jaro Iran, Xaggee Loo Isticmaalay

Filed under: Important News,Wararka |

Trade path Somalia

-Sida Maapka Kore ku cad, haddii Badda Soomaaliya iyo barigaba diyaaradaha iyo maraakiibta Qadar Usocda laga xirro.

Qadar waxay wayn doontaa meel ay diyaarado iyo maraakiib usoo maraan, sidaas la ajligeed Soomaaliya waa Istaraatigic, oo hadda Qadar min sacuud, Jabuuti, Yemen, Diyaarado iyo Maraakiib uma soo mari karraan oo waa laga xiray.

-Sacuudiga ayaa Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh Ugu deeqay aduun gaaraya illaa 50 million$, ujeedkuna wuxuu ahaa in Soomaaliya ay xiriiirka u jarto dalka iran oo xurguf siyaasadeed ay dhextiillay Sacuudiga.

-Hadaba Lacagtaas xaggee loo isticmaalay.
Sida aan warar hoose ku halayno lacagtaas 20 million$ oo kamida waxaa la siiyay madaxda maamul-Gobaleedyada, 20 million$ oo kamida Xasan wuxuu u isticmaallay doorashooyinkii si uu ugu soo noqdo.

-Sida wararku nagu soo gaarayaan Shariif Sakiin Iyo Cabdikariin waxay lacagtaas sacuudigu bixiyay ee Iran xiriirka lowgu jaray qaybtoodii ku dalbadeen hubkii faraha badnaa ee doomaha saarnaa ee laqaban jirray bada 2016, oo waxaa la sheegayaa in labadaas doommood midna u rarnayd Cabdikariin Galmudug midna waxay u rarnayd Shariif Sakiin, waxana hubkaas qabtay markaakiibta badda waardiyaysa ee reer Galbeedka.

DHANKA KALENA.
Dfs ayaa mashaariic iyo lacago kaasha ka qaadatay Turkiga iyo Khadar, oo sida wararku nagu soo gaarayaan waxaa qadar iyo turkiga laga dalbaday lacag u dhiganta lacagtii ay Sacuudigu ballanqaadeen si qadar badda iyo cirkaba looga xiro.

– Isku soo duub Soomaaliya waxaa u wanaagsan ZERO ENEMY
-AMA SOOMAALIDU UMA BAAHNA IN AY CIDNA COLAADSADAAN.

 

Hase yeeshee doodo badan ayaa jira, waxaana badi taageeray mowqifka Madaxwayne gaas badi shacabka Puntloand iyagoo dawladda Federaalka si dadban ugu sheegay in ay dhaqaalihii laga qaaday xulufada Qadar aan cidna wax laga siin.

Waxaa kaloo jirta dood kale oo oranaysa Madaxwayne Gaas xulufada sacuudiga ma waxaa laga soo qaadi doonnaa mashaariic wax ku oola mise waxaa laga soo qaadi doonnaaa lacag kaasha oo aan la ogayn jeebka ay halka ay ku danbayn doonto.

 

Qore Warsame Axmed.

2 Responses to 50-kii Million$ Ee Sacuudi Carabiya Xasan Sh Ku Siisay In Uu Xiriirka U Jaro Iran, Xaggee Loo Isticmaalay