Dr Faysal Cabdi Rooble oo Reer Seattle kala qayb galay kulan loogu yeeray “Badbaado Qaran” Daawo Sawirro

Filed under: Wararka |

Dr Faysal Cabdi Rooble oo Reer Seattle kala qayb galay kulan loogu yeeray
“Badbaado Qaran” Daawo Sawirro


Shir guud oo si heer sare ah losoo agaasimay ayaa maanta ka dhacay magaalada Seattle, ee gobolkaan Washington State. Waxaana shirkaan looga gollahaa isla eegidda marxaladihii taariikhiga ahaa ee ay soomaalidu soo martay, caqabadaha haatan horumarka hortaagan, iyo sida ugu haboon ee looga samatabixin lahaa. Qodobadaas iyo kuwa kaleba waxaa si hufan oo waddaninnimo ku dheehantahay khudbad uga soo jeediyey aqoonyahan – Faisal Cabdi Rooble oo ah agaasimaha guud ee qorshaha magaaleynta Los Angeles.

Kulankaan oo ay kasoo qayb galeen xubno ka socday ururka Badbaado Qaran ayaa waxaa kaloo kasoo qayb galay guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolkaan Washington oo isugu jirta: Dhallinyaro, Odayaal, Haween iyo Aqoonyahanno caan ah oo kulankaas lagu martiqaaday.
Mudane Faisal Cabdi Rooble wuxuu si qeexan oo waaqicinimadeeda la taaban karo ugu qodobbeeyey dhibaatyooyinka hortaagan dib-u-dhisidda qaranka Soomaaliyeed iyo weliba sida ay lagama maarmaanka u tahay in dibu heshiisiin dhab ah iyo xal caaddil ah oo waara la wada raadsho, isagoo sidoo kalena xusay inay muhiim tahay in la fahmo danaha gaarka ah ee ay dowladaha dariska iyo kuwa dibadduba ka leeyihiin dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Kulankaan oo saacado socday ayaa sidoo kale waxaa hadallo muhiima ka soo jeediyey maareeyaha guud ee hay’adda Raja For Africa Dr Nuuraddiin Maxammed Cali, Dr C/weli C/llaahi Sh Cismaan oo isaguna wax ka dhiga schoolada Magaalada Seattle, Nuune Diiriye Dhegoweyne oo ah Guddoomiyaha Puntland Diasporo Forum ee Washington, Malaaq Muriiddi Maxammed Abuukar oo ka mida waxgaradka deegaanka, ahna malaaqa Gobolka Banaadir, iyo sidoo kale xoghayaha Puntland Diasporo Forum ee Washington Bishar C/risaaq Cabdi oo dhammaantood si mug leh uga hadlay sida ay muhiim u tahay midnimada iyo isu keenidda umadda Soomaaliyeed, iyagoo intaas ku daray inay Doctor Rooble uga mahad celinayaan dadaalka aan dhammaan ee umaddiisa u hayo.
Mudane Faisal wuxuu si qoto dheer u iftiimiyey lagama maarmaanimada taariikhiga ah ee dhismaha iyo taabbogelinta nidaamka dano- iyo dawlad wadaagga ah (Federaalism) oo ah midka kaliya ee qaranimadii ummadda Soomaaliyeed dib loogu soo celin karo, keenina karta in maamulka dawliga ahi wada gaaro dalka oodhan.

Hay’ahada hoggaaminta iyo maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka guud ahaan.
Mudane Faisal wuxuu si muunadaysan u tusaaleeyey in aysan muuqan qaab kale oo aan ahayn nidaamkaas federaaliga ah oo ay soomaalidu ku midoobi karto, ciddii isku dayda inay waddadii hore oo la eeday dib loogu noqdo ama mid cusub oo qardo-jeex ah oo ah noocyada majara habowga ah ee ay ku mashquulsan yihiin dadyouga aan ehelka u ahayn soomaalinimada iyo dib-usoo noleeynta qaranimmadeenna.

Bishar Abdirizak Abdi
Seattle, WA. US
bishaarcc@gmail.com

Sawirada oo youtube ku jira


2

3

4

5

6

7

111