Heshiiskii Puntland iyo DFS wuxuu leeyahay sadex meelood meel (1/3) dhaqaalaha maamul gobaleedyada usoo xarooda ha maamusho dawladda Federaalkaa

Filed under: Wararka |

Nuxurka ugu wayn Heshiiskii Puntland iyo DFS wuxuu leeyahay sadex meelood meel (1/3) dhaqaalaha maamul gobaleedyada usoo xarooda ha maamusho dawladda Federaalkaa (Waa marka la dhamaystiro Maamul gobaleedyada oo dhan), arrinkaas oo haddii loo helo ciddii nuxurkiisa fahmilahayd noqonaya arrin aad ugu wanaagsan midnimada Soomaalida.

agreement
Dhamaan dhaqaalaha usoo xarooda Maamul gobaleedyada marka lacanshuuro, 1/3 waxaa maamulkeeda iska leh DFS micnaheedu waa wixii dekadaha kasoo xarooda, ama haddii macdan lahelo, ama Beero ama Xoolo la iibsaho ama warshado, DFS Canshuurta uu maamul Gobaleedku soo xareeyo sadex meelood oo meel bay maamulaysaa oo ku kabaysaa Maamul gobaleedkii is bixinwaaya, ku dhiibaysaa Mushaarka Ciidanka qaranka, Mushaaraadka wasaaradaha DFS.