Doodaha Fadhikudirirka: Maraykanku daacad ma kayahay in argagixisada si daacada loola dagaalamo

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

Doodaha aduunka ugu badan ayaa maanta la xiriira Argagixisada.

Shacabka ayaa su aallo badan iska waydiiya horta yaa maalgaliya Argagixisada, waayo matalan walligaa indhahaaga ku arki maysid ruux quman oo Soomaaliya oo taageersan ficilooyinka Alshabaab, hadana waataas aduunkii oo dhan ay isugu tageen muruq iyo maal lagan adkaan la yahay.

Doodo badan oo mala awaala balse aan cadayn loo hayn ayaa suuqa la isla dhexmaraa, waxaana aan marnaba doodahaas ka marnayn
Doorka sacuudi carabiya iyo meesha Wahaabiyadda laga soo abaabulo.

Dhanka kale ayaa Sacuudiga kadib waxaa markiiba farta lagu fiiqaa Maraykanka oo la leeyahay maraykanku daacad ma kayahay qaabka argagixisada loola dagaalamo.

Waxaana la isku raacay in aannu maraykanku aad isugu mashquulin la dagaalanka arrgagixisada marka laga reebo marka ay soo weeraraan meelaha uu danaha gaarka ah ka leeyahay, sida matalan Kuwait oo kale ama Qadar oo markaas Marayka Danihiisii meesha uga baxayaan.

Laakiin matalan Suuriya oo kale oo aannu maraykanku danno muhiima ka lahayn ka difaaci mayo argagixisada, ee taa badalkedu waa in ay shacabku iska difaacaan Shacabkuna runtii malaha awood ay isaga difaacaan.

Warbaahinta danaha xukuumadda Obama ee Marayka mucaaradka ku ahna dushayba ka saaraan in ay xukuumadda obama si ula kac ah argagixisada uga dayso meelaha qaarkood si meeshíi nabad galyo la aan uga dhacdo oo ay u noqoto dhul aan cidi lahayn.

Hoos ka daawo doodo doodahaas ka mid ah