Maxaa Somalidu u jeceshahay madaxnimada siyaasadeed?

Filed under: Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Maxaa Somalidu u jeceshahay madaxnimada siyaasadeed?
sharmarke.samatar@yahoo.com
Maqaalkan oo PDF ah Halkaan ka roggo Musuq

Musuq, (corruption) dhac bareer ah iwm waa arrimaha la haray hannaanka dawladnimo eeka jir
waddamada qaarkood. Waddamada ku yaal Afrika iyo Aasia oo horumar muuqda iyo xasilooni ay ka
jiraan sida Rwanda, Singapore, Malaysia waxaa u kaca hoggaan leh aragti suubban, daacadna ah.
Waa hoggaan ka fogaaday musuq iyo waxii la hal maala. Waa hoggaan usoo jeestey inuu si daacad
ah u hago dadkooda una maareeyo hawlaha waddanka si ay ku dheehantahay karti, wax qabad
buuxa, iyo daacadnimo niyad ah.
Haddaba maxaa dhaliyey in badi hoggaamiyayaashii hore oo Somalida iyo kuwa hadda jooga u diiday
in ay waddadaa maraan? Maxey raadinayaan markeey u tartamayaan jagooyinka dawladda?
Jawaabtu waa sida soo socota:

Hanti boob

Hoggaamiyaha Somaliyeed waxaa uu u hanqal tagaa waa urursi maal. Tallaabooyinkiisa ugu horreeya
waa khiddadda ah in gacanta lagu dhigo ilaha dhaqaale ee heyadaha dawladda, iyadoo uu ku
ammaansanayo kuwa la heyb ah ama la mabda’ ah.

Hiillo qabiil

Hoggaamiyuhu danta dalka iyo dadka Somaliyeed oo idil waxaa kala weyn tan tolkiisa. Mudnaanta
koowaad waxaa leh reerka uu ka dhashay iyo kuwa la heyb ah. Jago, meeqaam, dhul iyo dheefba
waxaa uu ku dadaalayaa siduu uu u hubin lahaa in ay yeeshaan awood dhaqaale, siyaasad iy mid
bullshaba. Tolkuna waxaa ay diyaar u yihiin inay ilaaliyaan jagadiisa, jifidana u yeelaan cudud weyn.
Waxaa kaloo jirta in awooddaas loo adeegsado colaad ku aaddan dhammaan qabiilada kale iyo
shaqsiyaadka aan hogaamiyahaasu heshiis la aheeyn. Wax lagama sheegi karo madaxdaas iyaga ah
oo reerkooda u heellan daafacooda. Waa tii Mudane Gaariye lahaa ‘markaad tuug duqeeysaba reer
baa damqanaye’.

Mar aan ku noqday Somaliya sanadkan (2015) waxaan soo urushay xog u badan musuqa lagu
maleeynayo badi hoggaamiyayaashii hore ama kuwa hadda jooga ee dawladda fadhida Xamar iyo
kuwa ka hanaqaaday gobolada. 90% ka mid ah hoggaamiyayaashaa waxaa lagu eedeynayaa in ay
xadeen hanti badan. Xogtaa oo lagu hadal hayo degmooyinka iyo tuulooyinka waddanka oo idil
waxaa sii xaqiijeyey (Monitoring Group) iyo (Transparency International). Labadaa xafiis waxaa ay
soo saareen warbixin tifa tiran oo musuqa ka jira Somaliya ku tilmaamayaan. Waxay aheeyd Yusur
Abraar, madaxii hore ee Bankiga Qaranka, qofka ka shifay musuqa baahsan eeka dhex jira dawladda
Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale waxaa musuq qoto dheer ka taagnaa dhammaan dawladahii ka
horreeyey tan hadda dhisan.

Somaliya waxaa halkaan dhigay waa fasaad (corruption). Waa musuq noqday waxaan lala gabban oo
lagu faano. Wax badan, wasiir ama maareeye ama khasnaji ka muuqato hanti fara badan oo aan u

dhigmin mushaharka uu qaato. Waa guri qiimihiisu yahay dhowr malyan oo dollar, waa gaari ama
gawaari joogto inta mushaharkiisu yahay 5 sano, waa beer ama Markab lagu qiimeeyey adduun
dhan malaayiin dollar. War xaggee ka keentay hantidan? Qof oranayo ma leh!
Waa sidaas sababta qof kasti u doonayo xafiis ‘dufan’ leh, sida wasaaradda maaliyadda, agaasinka
lacagta, khasnajiga, canshuurta maamulkeeda, dekadda iyo garoonka diyaaradaha, dhul bixinta,
iwm.
Nasiib darro Somaliya musuqa adduunka waa ugu sarreeysaa. Eeg shaxda hoos ku qoran.

Waxaa hadda noqotay joogto in doorasha kasto la gato dhammaan xildhibaanada. Qiimaha iyo
gorgortanku waa bare) ku taal.Waxaa kaloo og qurba joogta oo qaarkood ku tabaruca kharashkaa.
Xildhibaankuna waxaa uu soo laaluushay oday dhaqmeedka soo magacaabay asaga. Taa waxaa ay ka
dhacdaa Xamar, Garoowe, Kismayo, Baydhaba, Hargeysa, iyo Cadaado. Sidoo kale waa loo joogaa
B/weyne iyo Jowharba. Mooshinkastana waa laaluush urursi. Ogoow xildhibaanadaa laaluushka
qaadanaya oo bixinaya waa kuwii loo igmaday inay dejiyaan shuruucda lagu hagi lahaa Somaliya!
Waa dabkii oo dhaxamooday! Waa dawadii oo xanuunsatay, Waa biyihii oo harraaday! Waa (+) oo
(–) isu rogtay.

Waa maxay xalku?

Madaxweynihii 11aad ee Hindiya, Cabdul Kalam, ayaa yiri, (Haddii uu waddan doonayo inuu cirib tiro
musuq, waxaa ku aaddan hawshaa seddex xubin oo ka mid ah bulshada: waa hooyada, aabbaha iyo
macallinka.)
In la diyaariyo istaraatijiyad lagula dagaalamayo musuqa (National anticorruption strategy) oo arrima
ka mid soo socdaan:
 In lagu dadaalo in la doorto madax aammin ah oo taariikh hufan leh. Warbaahintu waa inay
ifiso musharax kasta oo isa soo bandhiga. Waa in murashaxiintu hor tagaan guddi waxgarad
ah oo mookhala – oo kala hufa.

 In la dhiso gole guurti (Aqalka baarlamaanka sare) sida dastuurka ku qoran. Aqalkaasu
waxuu dhammeystirayaa go’aaamada baarlamaanka.

 In dambi lagu soo oogo dhammaan kuwa ku lug leh cod gadashada doorashooyinkoo idil.
Waa in si adag loo ciqaabaa laaluush bixiyaha iyo kan qaata iyo kan fududeeya.

Waa in maxkamadaha iyo booliiskuba ogyihiin doorkooda looga fadhiyo.
 Maxkamadaha iyo guddiga la dagaalanka musuq waa in la hawl galiyaa.
 Waa in dad weynuhu la xiriiraan guddiga iyo booliska markey la kulmaan xadgudub.
 Dhammaan hawlaha ku saabsan iibka dawladda (procurement) iyo shaqo qoristuba
(recruitment) waa in ay cad (transparent) yihiin oo sharciga waafaqsanyihiin.
 Haddii xadgudub dhaco waa ciqaab adag la mariyaa.
 Gacantaaga baarlamaanku go’aamada ku qaadanayo oo dhaliyey musuq marar badan waa in
la joogiyaa.
 Shacabka, booliska, shaqaalaha dawladda waa in la tuso dhibka musuqu keeno iyo
waajibaadka bulshada saaran.
 Warbaahinta, dugsiyada, bulshada rayidka ah, iyo msaajidda waa in loo adeegsadaa
wacyigelintaa.
=====Dhammaad====