Nicholas Kay Ergayga gaarkaa ee Qaramadda midoobay oo waraysi uu siiyay Aljazeera ku sheegay in aynan Soomaalidu wali Federaalka ku heshiinin asagoo dagaalka Kismaayo soo qaatay (Daawo)

Filed under: Wararka |

lataus
Ambasador Nicholas Kay oo waraysi siiyay Aljazeera ayaa cadeeyay in aanay Soomaalidu wali Dawladda Federaalkaa si rasmiya ugu heshiin, waxaana buu yiri hadda aad u daciifa oo xataa meel halisa maraysa Nabadda iyo dawladda federaalkaa ee jirta.

Arinkaan ayuu Nicholas Kay ka dhadhansaday qaabka ay Soomaaliddu wali arinka Kismaayo ugu kala qaybsantahay, maadaamadda Beelaha Irir iyo Beesha Daarood aad ugu kala aragti duwanyihiin qaabka arimaha Jubooyinka loo wajahayo.

Beesha Daarood ayaa ku doodaysa mar hadii Beelaha Irir ay Muqdisho iyo Hargaysa oo aan waxkasoo dhisaynay 100kii sano ee u danbaysay ay naga cayrsheen, maadaama ay ay hadda iyagu Jabuuti, Hargaysa iyo Muqdishu Dawladii dhexe oo dhan iyagu maamulaan, may noodaayaan maamulka dekadda Kismaayo.

Arinka Kismaayo ayaad moodaa in aynan wali helin dad aeigti dheer oo isu tanaasula, isla markaana si Soomaalinimo ku dheehantahay arinka u wajaha, waxaadna arkaysaa labadda qoloba in ay midi midi ku taag wadaan