Gaas iyo Xasan Sheekh maxay ka baran karaan Abdi Warsame: minneapolis waxay leedahay Gudoomiye aan awood lahayn iyo Gole deegaan oo awood leh (Maqaal iyo Muuqaal)

Filed under: Important News,Wararka |

Puntlandobserver waxaan bilahaan ku daabacaynay Muhiimadda nidaam iyo system dawladeed oo markaas ay Shacabka ay matalaan Goleyaal deegaan iyo xukuumadeed awood leh iyo Madaxwayne aan wax awooda lahayn balse kalya shaqadiisu tahay Arbiitari iyo Illaaliye sharci

Hadaba Abdi Warsame ayaa waraysi uu siiyay SomaliCable Barnaamijka Daldhis Ilkacase ka sheekeeyay qaabka ay u shaqeeyaan Golaha deegaanka ee minneapolis.

Cabdi Warsame wuxuu sheegay in ay leeyihiin Gudoomiye aan wax awooda lahayn iyo Gole deegaan ee awood leh.

Hadaba Prof Gaas maxay Puntland ka filaysay markii Madaxwaynaha loo doortay, Muxuuse falay markuu madaxwaynaha noqday
Sidoo kale Xasan Sheekh maxay Soomaali ka filaysay markuu Madaxwaynaha noqday Muxuuse falay markuu Madaxwayne noqday.

Labada nin ayaa Soomaali aad u soo dhawaysay, sababta looso dhaweeyay ayaa ahayd in markaas laga filayay in ay yihiin niman isbadal dhalinkara.

Labada nin waa Gaas iyo Culusow ayaa bil xaqiiqiyan noqay labadii Hogaamiye ee ugu liitay Hogaamiyayaashii soo maray Soomaaliya, labaduba waxaa ay hadda noqdeen labada nin ee aadka looga niyad jabay, waayo waxaa lagu tuhmayay labadaba aqoon.
Marna Gaas iyo Culusow lagama filay kaligi Talisnimo iyo eex, iyo Musuqmaasuq.
Labada nin waxaa laga filayay Hal abuur, laakiin iska daa waxay hal abuur keenaan shaqo waxay ka dhigteen xildhibaanadii oo la iibsado taasi oo ah “Khayaamo Qaran 15 million oo Soomaaliya”

Hadaba Gaas iyo Culusow ha dib ha u daawadeen qaabka ay u shaqeeyaan Golaha deegaanka minneapolis, iyo in aynan macquul ahayn in Madaxwaynuhu Awoodda oo dhan Maroorsado oo shacabka meel cidla ah dhigo.

Puntlandobserver Desk