Musharax Maxamed Cabdirisaq: Xaggee lagu Arkay Hadaan Nahaxay Musharaxiintii Kama Warqabno Sida Doorashadu U Socoto Iyo Goortay Dhacayso (Daawo)

Filed under: Important News,Wararka |

Musharax Maxamed Cabdirisaaq ayaa siiyay waraysi tv-ga KTN ee Kenya.
Maxamed ayaa sheegay in aynan wali aduunka hore uga dhicin nidaam doorasho oo aynan ka warhayn Musharaxiinta Madaxwaynaha la tartami doona hanaanka doorashadu u dhacayso .

Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in maanta oo arbaco ah ay tahay markii sadexaad ee ay doorashadu dib u dhacdo, dhanka kalena Maxamaed ayaa sheegay in aanba lala socodsiin musharaxiinta halka ay xaaladda doorashadu marayso iyo goorta ay doorashadu dhacayso.

Doorashooyinka aduunka kuwooda dimoqraadiyadda ah ayay musharaxiintu la socdaan hanaanka doorashada loo hirgallinayo si ay ula socdaan in aan la musuqmaasuqin dooraashada.
Maxamed ayaa sheegay in uu dahcay musuqmasuqi aduunka ugu waynaa abid, isla markaana 4 xidhibaan la sheegay in lagala noqday xildhibaanadii shalayna ay beesha caalamku sheegeen in 49 xildhibaan lagu eedeeyay musuqmaasuq.
Daawo

One Response to Musharax Maxamed Cabdirisaq: Xaggee lagu Arkay Hadaan Nahaxay Musharaxiintii Kama Warqabno Sida Doorashadu U Socoto Iyo Goortay Dhacayso (Daawo)

  1. Pingback: Musharax Maxamed Cabdirisaq: Xaggee lagu Arkay Hadaan Nahaxay Musharaxiintii Kama Warqabno Sida Doorashadu U Socoto Iyo Goortay Dhacayso (Daawo) - Daily Somalia Report