Warbixin Reer-Guuraaga Soomaali-farabadan oo Somaliland Iyo Kililka oo Gobalka Bari Gaaray Iyo Caqabado Cusub (Dhegeyso Voa)

Filed under: Important News,Wararka |

Kadib abaar aad u daran oo Sanadkaan Soomaaliya halleeshay ayaa waxaa roob aan badnayni ka da’ay Gobalka bari, waxaana wali socda in dadka Soomaalida meelkasta uga soo guureen roobkaas.

Gobalka bari ayaa ah Gobal baaxad wayn, waxaana la sheegayaa in maalmaha qaarkood ay soo gaarayaan illaa 90 gaari oo wada dad masaakiina oo xoolihii abaaraha kulul kala soo cararay.

Hadaba voa ayaa warbixin ka diyaarisay oo soo waraysatay dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee inta roobka guga ka dhimman la tacaalayay xoolahoodii.

Waxaana hadda isa soo taraya khatarta ka dhallankarta dadkaas soomaalidaa ee faraha badan ee deegaanadaas gaaray maadaama baabuur lagu daad gureeyay markii ay aagaas gaarayeen.

Waxaana amaan ballaaran loo jeedinayaa dadka deegaanka Gobalka Bari oo si fiican usoo dhaweeyay walaalahoodii soomaaliyeed ee usoo martiyay Raganimo.
Dhegeyso warbixinta.

One Response to Warbixin Reer-Guuraaga Soomaali-farabadan oo Somaliland Iyo Kililka oo Gobalka Bari Gaaray Iyo Caqabado Cusub (Dhegeyso Voa)

  1. Pingback: Warbixin Reer-Guuraaga Soomaali-farabadan oo Somaliland Iyo Kililka oo Gobalka Bari Gaaray Iyo Caqabado Cusub (Dhegeyso Voa) - Daily Somalia Report