Maanta waxaa xilkii wareejinaya Xasan Musuqmaasuq oo afartiisii sano ku dhammaystay muran iyo musuqmaasuq, iyo in xildhibaanada Golayaasha ee Xasan soo maalgalliyay min hal million lagu doorto, halki ay Soomaali ka sugaysay ballanqaadkiisii beenta ahaa
Maanta waxaa billaabanaysa 4 sano ee Farmaajo.
Waxaan qaymayn doonnaa 6 billood kadib, inta hore oo dhan lagu degdegi mayo
Waxay ku xirantahay ruuxa asalkaa ee farmaajo uu yahay iyadoo haddii ay daacad ka tahay in Soomaali la badbaadshaa ay laba daran mid dooro tahay
Riski qaado oo dalka badbaadi cidna ha u jixinjixin, ruuxaas ama naftiisuu hallis gallinayaa ama xitaa wuuba iska casilayaa hadduu dhaqaajin waayo-
Tan kale waa wadooyinkii kuwii ka horeeyay.
Marka aad madaxwayne noqoto albaabka waxaa kugu sugaya tuugadii dalkaan baaba’saday oo marka hore waxaa laguu daaarayaa laba boqol oo filin, filinka nacamlaynta iyo durbaanka
Filinka qabyaaladda
Filimka xukunboobka
Flinka musuqmaasuqa
Tuugadaan ayaa filimadaas ku taageera madaxda si ay dadka dhiigooda ugu jaqaan
Waxaa dheer qolooyinka dalka haysta ee beesha Caalamka oo iyana 300 oo filim oo jaahwareerina wata, waxaana ugu badan midka dhaqaalaha iyo ballanqaadyada beentaa iyo iska laaluushida.
Marka dalkaan waa dal muddo 30 sano ah ballaayo ka shaqaysanaysay, xaaladiisuna ma sahlana.
Laakiin ninka hogaankaa waxbadan buu door shariifa ka ciyaari karaa, waa haddii uu kartina leeyahay daacadna yahay, aqoon haday u sii dheertahayna kaba sii wanaagsan.
Pingback: 4Tii sano Oo Xasan Musuqmaasuq Ayaa Maanta Ku Eg, Bal Aan Eegno 4-ta Farmaajo - Daily Somalia Report