Qisadii Colonel Sanders ee Noloshiisa Dadaalayay Oo Markasta Guuldaraysanayay Laakiin Markii Ay Da’diisu Noqotay 87 Jir Guulaystay

Filed under: Important News,Wararka |

Colonel Sanders story
Colonel Sanders Markuu
5 Jir ahaa Aabihiis baa dhintay
16 Jir markuu ahaa iskuulkii buu joojiyay
17 markuu ahaa afar shaqo ayaa laga cayrshay
18 jirkiisii ayuu guursaday
20 jirkiisii xaaskiisii baa ka tagtay, waliba ilmihiina ka qaadatay
20-22 jir wuxuu ahaa Kirishboy Tareen waana laga cayrshay shaqadii.
Kadib wuxuu dalbaday barashada sharciyaqaan waana loo diiday
Kadib wuxuu noqday iibiye waana uu ku guuldaraystay
Makhaaxi yar buu cunta kariye ka noqday maadaama uu hadda shaqo hellay xaaskiina waa soo celiyay
65 jir wuxuu noqday hawlgab
Markii lacag yar oo lacagta hawlgabkaa loo ogolaaday wuxuu go’aansaday in uu is dillo maadaama uu marwalba intii uu noolaa uu guul-daraysanayay, oo ay ugu danbaysay lacag 105$ kaliya oo hawlgab bishii loosiiyay maadaama uunan lacagbadan sanadkii samaynjirrin intii uu sahqaynayay ee uu xoogga ahaa.
Hadana intuu isdililhaa wuu tashaday oo xaashi ayuu bal ku qoray wixii uu khibradda fiican iyo aqoonta u lahaa intii uunan hawlgabka noqon, wuxuuna ogaaday in aynan cidna ka baddin digaagga la shiilo.
Wuxuuna daynsaday 87$ wuxuu sameeyay Digaag la shiilay oo uu xawaajiyo uu yiqiin ku daray, kadibna wuxuu digaagiisii shiilnaa u raadiyay suuq iyo cid ictiraafta oo ka iibsata.
Markii ay in ka badan 1000 makhaaxi diideen in ay ka iibsadaan digaagiisii shiilnaa wuxuu aakhirkii helay makhaaxi ka iibsata oo ka rukumata.
markii uu jiray 87 sano wuxuu ahaa maalqabeen ama Billioner oo wuxuu maalgaqabeen ku noqday digaaggii shiilnaa ee uu hindisay.

Wuxuuna Colonel Sanders reebay maahmaahdii ahayd “Never Give Up” ama “WALIGAA ISKU DAYGAAGA HA KA DAALLIN”

Waxaa fikirkaan iyo qoraalkaan soo gaarsiiyay Puntland-observer Dakhtar Baydhabo wakiilka Puntland ee dalalka scandenevianka.

Halkaan ka eeg qormooyinkii hore ee Dr baydhabo