Shacabka reer Gaalkacyo ayaa aaminsanaa in dagaalada Gaalkacyo ragga hurrin jirray uu ujeedkoodu ahaa in ay mashaariic nabadayn lacag kaga qaataan.
Arrinkaas waxaa si geesinimo ku jirto u bayaanshay General Gorod oo sheegay inta badan qolooyinkii nabadaynta Gaalkacyo waday waxaa marwalba dhan socday mashaariic un-ka laga soo cadaysanayay, hase yeeshee Nabadaynta aan wado waa mid iskaa wax u qabso iyo fii sabiilillilaahi.
Suxu Abaadir ayaa hadaba qabanqaabiyay dood ay shacabku su’aalo adag ku waydiinayaan Gen Gorood, oo markaas si wanaagsan uga jawaabbay.