Somaliland Oo Aakhirkii Ogalaatay Midnimada Soomaaliya Iyo Qorshihii Federaalka (Qoraal Kooban)

Filed under: Important News,Wararka |

Wasiiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dalka Switserland uu aakhirkii fududayn doono wadahadalada Somalia iyo Somaliland, waxaase ka horayn doona in Madaxwayne Farmaajo iyo Muuse Biixi ku kulmi doonaan Jabuuti.

Hadaba switzerland waa dal 200 oo sano ka hor ku midoobay federaal
Halkaan ka eeg Federaalka Switzerland ay ku tanaaday
Switzerland waa dalka ugu federaalsan Europe.
Waana dalka ugu wanaagsan ee haysta maamulka baahsan oo wuxuu ka koobanyahay 26 dawlad gobaleed, waxaana looga hadlaa 3 luuqadood, waxaana jira maamul gobaleedyo maamulkoodu uunan waxwab saasa ka duwanayn dal madaxbanaan.

Waana fikir wanaagsan in aakhirkii ay Somaliland waaqiciga usoo dhawaadaan oo khiyaaliga meel la iska dhigo, waanan soo dhawaynaynaa hadalka kasoo yeeray maamulka Somaliland.