Aamina Cabdillaahi + X A Samatar DAAN BARI (Cod & Qoraal)

Filed under: Heeso,Important News,Wararka |

aamina-cabdullaahi-samatar

DAAN BARI

Daan Bari adoo yaal
Cirkoo Doollo ka onkoday
Beeshoo ah doog-raac.
 
Adna awrtii dabarli’i
Intay kaaga daateen
Labadaadii aar diley,
Dusha waxaad ka raratana
Kollay tahay dameer hayn.

Reerkii kaa-dul-guuriyo
Deriskii wax kagu tara
Markay dani ku haysaad
Dad ku kala ogaataa.

Anna maanta debacsani
Nabarka i damqaayana
Daa’in iyo adaa jira
Wax daweeyn karaayee,
Adigiyo dadnimadaa!

==================

Adaa Doollo iyo Hawd
Deegaanta taalliyo
Doogga u hawoodee.

Ninka daaqsin maqalee
Daruuraha ku hooriyo
Duleedkiisa ka cabbayn,
Darraankiisii oo madhan
Xarragana isaga dayn.

Diiftiyo jacaylkiyo
Diihaalla kaa badan,
Waayahana kaa daran
Danta hawla cabannine!

Adigoo aan igu digan
Anna aanan kugu dayan,
Nabarrada damqanayaa
Waa dabar waqtigu sido
Deeqdii Allena magan.

====================

Duunyada oo ceel qaban
Daran cuna kaliishii
Doqon silic waraabshiyo.

Adoon geesi daafaca
Midna Ceelalyow u diran
Xoolohoo daf soo yidhi,
Darka kaagii oo tuban
Daan gabdhahaa waraabshee.

Kii sii durduurshiyo
Doobkii wax kugu tara
Markay dani ku haysaad
Dad ku kala ogaataa.

Anna maanta debacsani
Nabarka i damqaayana
Daa’in iyo adaa jira
Wax daweeyn karaayee,
Adigiyo dadnimadaa!

====================

Kol uu daad-mareenkiyo
Dacda nugulku uu dhaco
Ama uu dadba u baxo.

Oon lama dareertee
Ninka webi Diraac iyo
Durdur mara agtiisee,
Biyo uu u doontiyo
Dunquruur ka quustee.

Galaan beeyo dari karin
Duunyana warkeed nacay,
Waayahana kaa daran
Danta hawla cabannine.

Adigoo aan igu digan
Anna aanan kugu dayan,
Nabarrada damqanayaa
Waa dabar waqtigu sido
Deeqdii Allena magan.

Luuqda: Aamina Cabdillaahi + X A Samatar
Loox-ereyga: Xasan Xaaji Cabdillaahi “Xasan Ganey”
Laxanka: X A Samatar
Laacdantunka: Goobbe
La Sameeyey: 1980
La Socotay Riwaayadda: Bidaari Sibiq Bay Kugu Gashaa

3 Responses to Aamina Cabdillaahi + X A Samatar DAAN BARI (Cod & Qoraal)