Adduunka Horumarka Ay Bini Aadan Gaarreen Iyo Soomaali Nidaam Cadaaliya Samaysan La (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Bini aadanka aduunka ku nool waxay gaarreen horumar aan miskaxda bini aadanka caadigaa aynan xitaa ku riyoonkarin.

Soomaali 27 sano waxay samayn kari waayeen in ay iska soo xullaan xildhibaano daacada oo doorta Madaxwayne daacada oo sharciga waxa ku qoran ku shaqeeya xildhibaanaduna ay ku illaashaan, “so simple like 2+2, intaasi waxay la mid 2+2 ee ma ahan Gantaalka qaada Nukliyeerka” waa sida 2+2:

Halka aduunka kale waxaas horumara gaaray.

Maxaa sababay in ay Soomaali iska soo xuli waayaan xildhibaano daacada oo aan laaluush qaadan

Waxaa sababay aduunka oo dhan umadkasta oo meel ku nool dadka wanaagsan waa dad aad u yar, waxaana umad kasta u baddan dadka dunta xun iyo kuwa aan lahayn garaad ay wax kukala gartaan.

laakiin waxaa soomaalida ka maqan intii wanaagsanayd ee yarayd ayaa seexday oo sugaya in ay dalka u hagaajiyaan kuwii aan wax garadka ahayn iyo kuwii dunta xumaa iyo gacmo shihseeye, qofkastaana waa garran karaa kuwaas waxa ay dalka usoo kordhinayaan, kaliya caqligoodu ma dhaafsana hebel xabad ku dhufo.

Hadda Soomaalida iyagoo indhahoodu shan yahiin ayaa waxaa loosoo xulayaa xildhibaanadii dunta xumaa waliba kuwooda lacagta jecel, si markaas madaxwayne lasoo ogaaday oo la yaqaan duntiisa Madaxwayne ay kooxi uga dhigan lahayd.

Waxaanad mooddaa intii yarayd ee Soomaalida ahayd ee dunta wanaagsanayd in ay jiifsadeen oo ay isleeyihiin kuwii dunta xumaa baa dawlad wanaagsan idiin samaynaya.

Waxaa la rabaa in qofkasta meesha uu jooggo uu ka shaqeeyo oo banaan baxo, oo hadlo, oo shacabka wacyi galliyo.
Waxaana kasii daran kuwa ganacsatada ah ee bakhaykiintaa ee aan hal shilin doonayn in ay ku bixiyaaan sidii dalka loo daba qaban lahaa.

Tusaale
Yarkaas dhalinyaradaa ee xildhibaankaa ee video-ga hoose wuu is xilqaamay waana uu hadlay oo intaasiba waa is xilqaan iyo garasho.

Gabo gabo.
Ama Soomaali way istaagi oo inta yar ee xumaanta ku saaxiibay 27-kii sano ee lasoo dhaafay bay iska qaban, ama intaas yar baa waligood ka hor istaagi in ay samaystaan dawlad iyaga u adeegta oo sharciga ku shaqaysa ee aan ka adeegan.

One Response to Adduunka Horumarka Ay Bini Aadan Gaarreen Iyo Soomaali Nidaam Cadaaliya Samaysan La (Qormo Gaaban)

  1. Pingback: Adduunka Horumarka Ay Bini Aadan Gaarreen Iyo Soomaali Nidaam Cadaaliya Samaysan La (Qormo Gaaban) - Daily Somalia Report