Adna Aadan OO Shalay Ahayd Marwadii Raysalwasaarihii Hore Ee Soomaaliya Cigaal, Ayaa maanta Qabyaalad Iyo kala Qaybin Aduunkii Ka Iibinaysa, Hadana Been Sheegaysa oo Fooxihii Iyo Deeganadii Beesha Harti Gaar U Sheeganaysa

Filed under: Important News,Wararka |

Kooxaha ay qabyaaladdu madaxa a martay sida Adna Aadan, ayaa ka shaqaynaya waxa aduunka ugu xun oo ah kala qaybin dal, ama umad.
Adna iyo siyaasiyiinta la fikirkaa 28 sano waxay ka shaqaynayeen maxaa maanta laga faa-iiday.
Wiilkii iyo gabadhii dhashay 1990 maanta waa 28 jir.
Fikirka gooni isutaagga Somaliland wuxuu ahaa caqabaddii ugu waynayd in aan qaran Soomaaliyeed la hellin.
Qolodii Adna la siyaasadda ahayd waxay ka shaqeeyeen in 15 million oo Soomaaliya aynan wax qarana arrag 28 sano, aynan lahayn baasaoor 28-kaa sano, iyo dhulkii Soomaaliyeed oo aan maanta gacanba cid ugu jirrin.
Waxay ka shaqeeyeen in 28-kaas sano in ay Soomaalidu noqdaan dadka aduunka ugu fakhrisan.
Waxay ka shaqeeyeen in maanta dhulkii Soomaaliyeed uunan haba yaraatee Soomaali gacanta ugu jirrin, waliba wararkii ugu danbeeyay waxay sheegayaan in ciidanka sirdoonka iyo nabadgalyada Somaliland ay gacmo shisheeye gacanta ugu jirraan.
ibrahin cigaal adna aadan

Sawirka kore waa adna aadan oo marna Clinton la kulantay oo Qabiilada Soomaaliya uga sheekaynaysa, marna xaaskii Clinton la kulantay oo kuleh beesha reer sh isxaaq ma taqaan, waa beesha ugu khatarsan beelaha Soomaalida waxaa la yiraahdaa Isaaq, waxayna u kala baxaan beel hebel iyo hebel, anigu waxaan ka ahay lafta geela badha Habar Awal.
Hadde Clinton waa Madaxwaynihii reer Galbeedka oo dhan isku keenay ugu yaraan 60 wadan oo reer Galbeeda oo kala luuqada.

Hadana Adna ayaa ku doodaysa Fooxii iyo beenyadii gobalka bari in ay beesha adna oo qura u baxdo, oo kaaga darran beentii ayaa aduunka laga iibinayaa.

Daawo markii ay adna ahayd Marwada koobaad ee Soomaaliya iyo sida Jarmalka lowgu soo dhaweeyay, waa markii shilinka Soomaaligaa uu ka qiima badnaa dollarka, Baasaboorka Soomaaligaa billaa Viise lagu iman jiray Jarmalka.

One Response to Adna Aadan OO Shalay Ahayd Marwadii Raysalwasaarihii Hore Ee Soomaaliya Cigaal, Ayaa maanta Qabyaalad Iyo kala Qaybin Aduunkii Ka Iibinaysa, Hadana Been Sheegaysa oo Fooxihii Iyo Deeganadii Beesha Harti Gaar U Sheeganaysa

  1. Pingback: Tuugow Adigu Ha Is Sheegin (Iyadoo Ay Dhalinyaro Masaakiina Oo Ilma Abti Iyo Ilma Adeera Buuhoodle isku Laynayaan, Hadana Daawo Sida Madaxwayne Ku Xigeenkii Kooxda Ali Ugu Farxeen) | Puntland Observer