Akadeemiye-Gobleedka AfSoomaaliga oo Garoowe ku qabatay aqoon-wadaag muhiim ah (Sawirro)

Filed under: Important News,Wararka |

Akadeemiye-Gobleedka AfSoomaaliga oo Garoowe ku qabatay aqoon-wadaag muhiim ah

28kii July 2016ka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waxay qabatay aqoon-wadaag ku saabsan baahida loo qabo daryeelka AfSoomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed. Aqoon-wadaaggaas oo qayb ka ahaa Bandhig-buugeedka Caalamiga ah ee Garoowe 2016 wuxuu ka dhacay hoolka weyn ee Jaamacadda Bariga Afrika, Garoowe. Munaasabaddan oo ay ka soo qaybgaleen boqollaal qof oo isugu jirey aqoonyahanno ka kala yimid dacallada Soomaaliya iyo daafaha dunida, madax ka tirsan maamulka Puntland, macallimiinta iyo ardayda jaamacadaha iyo dad kale oo xiiseeya arrimaha AfSoomaaliga iyo suugaantiisa. Khubarada ajnabiga ah ee ka soo qaybgalay waxaa ka mid ahaa Dr. Georgi Kapchits iyo Prof. Lidwien Kapteijns oo labaduba ah xeeldheereyaal wax badan ka qoray suugaanta Soomaalida.

Aqoonyahannadii soo jeediyey casharrada kulanka waxaa ka mid ahaa Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ka yimid Jabuuti, qoraa sare Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ka yimid Nairobi, Maxamuud Diiriyoos oo ka yimid Maraykanka, Cabdullaahi Buraale oo ka yimid Norway iyo Maxamed sheikh Xasan oo ku sugan Garoowe.
Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo dood-wadaagga iba-furay wuxuu iftiimiyey qiimaha weyn ee uu ummadda Soomaaliyeed ugu fadhiyo afkooda hooyo, halista ku soo fool yeelatay iyo sida loogu baahan yahay in la isu wada kaashado badbaadintiisa. Wuxuu tilmaamay afku inuu yahay furaha aqoonta, aqoontu tahay albaabka horumarka, horumarkuna yahay hoggaamiyaha nolosha. Wuxuu sii raaciyey ‘afka halbowlihiisa noloshu waa al-abuurka suugaanta, kaas oo qoraalku u yahay hoyga ka celiya dayaca iyo darayada, kana dhiga dhaxal waara’. Qoraa sare Dr. Afrax wuxuu qeexay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga in loo dhisay daryeelka afka qiimahaas leh iyo aqoon-faafinta uu u yahay udub-dhexeedka.
Axmed Faarax Cali Idaajaa, oo ka mid ah maqaawiirta akadeemiyaha, wuxuu asaguna sii iftiimiyey qiimaha AfSoomaaliga iyo saamaynta halista ah ee uu ku reebay burburkii ku dhacay Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay sida ay ugu soo duuleen afaf kale iyo sida ay tayo xumada badan ka muuqato ee loo adeegsado xagga qoraalka iyo xagga ku hadalka labadaba, asagoo raaciyey in baahi degdeg ah loo qabo wax-ka-qabadka dhibaatadaas. Cabdullaahi Buraale wuxuu madasha la wadaagey xog-warran xaaladda uu ku sugan yahay adeegsiga AfSoomaaligu guud ahaan qurbaha gaar ahaanna dalka Norway oo uu ka yimid. Wuxuu sheegay Norway iyo dalalka kale ee Scandinevia inay shaqaaleeyeen boqollaal macallimiin Soomaaliyeed ah oo AfSoomaaliga ka dhiga dugsiyada ay dhigtaan arday Soomaaliyeed iyo in ay jiraan jaamcado lagu dhigo AfSoomaaliga.
Ugu dambayntiina waxaa loo gudbey su’aalo iyo talao-bixin ay is weydaarsadeen soojeediyeyaasha iyo ka soo qaybgalayaashii kale ee badnaa.
Aqoon-wadaag AGA Garowe, 28.7.2016

aqoonwadaag garoowe 3

aqoonwadaag garoowe 5

aqoonwadaag garoowe 7

aqoonwadaag Garoowe 28.7.16

aqoonwadaag Garowe 2

aqoonwadaag garowe 6

One Response to Akadeemiye-Gobleedka AfSoomaaliga oo Garoowe ku qabatay aqoon-wadaag muhiim ah (Sawirro)

  1. Pingback: Akadeemiye-Gobleedka AfSoomaaliga oo Garoowe ku qabatay aqoon-wadaag muhiim ah (Sawirro) - Daily Somalia Report